Ma Dhabaa Inay Ka Heshiiyeen Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Iyo Cabdiraxmaan Ciro Wacad Fur Siyaasadeed Oo Hore Ciro Ugu Sameeyay
November 12, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddi odayaal ah oo is xilqaamay ayaa dhammeeyay mad-madow soo kala
dhex galay murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro iyo xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu culus xisbigaas.

Ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddigan is xilqaantay oo ah odayaal aan siyaasadda ku dhex jirin oo ka soo kicitimay magaalada Burco ay ku guulaysteen inay isu calool xaadhaan labada siyaasi ee Cirro iyo Siciid oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay aanu xidhiidhkooda siyaasadeed wanaagsanayn. Wada hadal dhawr maalmood loogu kala dab qaadayay ka dib, waxa uu warku sheegay in guddigani aakhirkii ay Khamiistii doraad ku guulaysatay inay is horfadhiiso Cirro iyo Siciid oo ugu dambayn iska xaal mariyay waxyaabaha keenay kala duruga siyaasadeed islamarkaana si rasmi ah isu calool xaadhay.