berberatoday.com
“Xisbiyada Maanta Shar Iyo Khayr Lama Kala Dooranayo, Waxaad Miisaamaysaa Labada Shar Kee Baa Dhibaato Yar..”Sheekh Aadan Siiro
November 12, 2016 - Written by Berbera Today

“Wixii kale oo dhan waa lagu kala tegay ee intaa yar baa idiin hadhay ee intaad joogtaan Caqligu ha shaqeeyo oo halla yidhaahdo ma suurto-gelayso (In la iibiyo Dhulka Suuqa Gobannimo)…” Sheekh Aadan-Siiro

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa sheegay inaanay Xisbiyada Siyaasaddu ahayn wax Diini ah oo Sunnada Islaamka ku salaysan, hase-yeeshee ay hihiin wax ay dadku ku heshiiyeen oo ay xal u arkeen inay nidaam iyo nabad ku abuuraan. Waxaanu sheegay inay Culimadu Sheegeen in marka Dadka wanaagsan la dooran waayo loo baahan yahay wax xal ah oo nabad ay dadku ku heli karaan, isagoo intaas ku ladhay inaanay jirin maanta wax la kala doorto, balse la miisaamayo cidda dadka iyo dalka u dhibaato yar.

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Gurmadka Abaaraha ka jira Bariga Somaliland, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiyey kulankii uu la yeeshay Shirkadaha Ganacsiga Khamiistii oo ay kaga yabooheen Dhaqaale Hal Milyan iyo Badh Doollar ka badan oo ay kaga qayb-qaadanayaan Gurmadka loo galayo Dadka Abaaruhu saameeyeen.

Sheekh Aadan waxa kale oo uu Khudbaddiisa kaga hadlay, isla-markaana uu ka digay in Goobaha loogu Talo-galay in Baabuurta la dhigto ee Suuqa Gobannimo ee Hargeysa Sifo kale looga faa’ideysto, waxaanu yidhi; “Suuqa Gobannimo Dad baa sameeyay, waxa loogu talo-galay in Baabuurtu ku soo wareegto, laakiin ma jirayo Suuqaasi haddii la waayo meel ay is-taagaan Baabuurta Caanaha keena, Baabuurta Khudradda keena iyo Baabuurta Koonayaasha magaalada ka imanaya, waayo? Waxa loogu talo-galay in Qofka Suuqa ka adeeganayaa Gaadhiguu doono ha watee inuu Suuqa halkaa ugu dambeysa tegi karo.”

“Waxa jira in Suuqii laga dhex raadinayo (Dhul) Cidday doonto ha ahaatee oo la doonayo in intii yarayd ee Baabuurtu is-taageysay laga faa’ideeyo. Suuqa Gobanimo waxyaalaha loo yimaaddo waxa ka mid ah Qalabka Guryaha (Furniture), laakiin haddii Dadka imanayaa waayaan meel ay baabuurtooda dhigtaan waxa kici doono Shan boqol oo meheradood, waxaana Masaariif waayi doona Shan kun oo qof (oo ku tiirsanaa Meheradahaa kacaya), markaa inta ku hawlan (Arrinkaa) waxaanu leenahay ka daaya’.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu farriin u diray Xukuumadda iyo Golaha deegaanka Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaannu u sheegaynaa Xukuumadda jirta, Golaha deegaanka Hargeysa iyo inta Caqliga iyo Cilmiga leh iyo inta Garashada leh ee Carruurta dhalan doona Danta ka leh, waxaannu leenahay wixii kale oo dhan waa lagu kala tegay ee intaa yar baa idiin hadhay ee intaad joogtaan Caqligu ha shaqeeyo oo halla yidhaahdo ma suurto-gelayso (In la iibiyo Dhulka ka bannaan Suuqa Gobannimo).”

Sheekhu waxa kale oo uu khubaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dugsiga Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa, kaasoo uu sheegay in Qaybta Laamida ku jeedda la dhisanayo, waxaanu yidhi; “Maanta waxa la dhisayaa Dugsiga Sheekh Bashiir oo ahaa Dugsigii uu ka baxay Dr. Cali Qaaddi oo ah Qofkii ugu horeeyey Soomaalidu siday u dhan tahay. Inagoo soo taagan intii Wadaaddada sheeganayey iyo intii Cilmiga sheeganayey-baa lagu kala tagay Dugsiga Sheekh Bashiir intii laamida eegaysay. Ma jiro Qof odhan karaya sidee loo goo’gooyaa Dugsiga Sheekh Bashiir oo Qof u qaataa ama Kooxi u qaadataa.”

“Waxa Rasuulku yidhi waxa Iman doonto Wakhti Qofka Xaqa sheegayaa uu noqdo sidii Qof Dhimbiil dab ah Gacanta ku haya. Markay gaadho Qofku inuu odhan kari waayo Waar waxa lagu jabayaa, waa markii (Rasuulku yidhi) Qofkii xumaan arkaa Gacanta wax ha kaga qabto, Hadduu Kari waayo haka hadlo, hadduu kari waayana Qalbiga haka naco.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wata, ayaa ka hadlay inaan Xisbiyadu ahayn wax Diinta ku sugan, laakiin ay yihiin wax Dadku ay ku heshiiyeen, waxaanu yidhi; “Xisbiyada aynu samaysanay halkay kaga yaalaan Kitaabka iyo Sunnaha Nebiga (CSW), Annagu waxaanu nahay Dadka taageeray, laakiin maxaanu ku taageernay? Waxaanu ku taageernay waar ha is-dilina kuwiina wax doonayoow, ummaddana ha wareerinina, beentaa aad waddaan hadba kiina badiya beenta iska raaca inta ILLAAHAY faraj keenayo. Culimadu waxay yidhaahdeen marka Dadka wanaagsan la dooran waayo, ee Dadka wanaagsani aanay Saaxadda (Hoggaaminta) ku jirin, Dadku waa inay raacaan waxay ku kala baxayaan ee aan Dil iyo dhibaato keenayn, markaa Maanta Shar iyo Khayr lama kala dooranayo, laakiin waxaad miisaamaysaa labada Shar kee baa dhibaato yar.”

“Waxaannu u hambalyeynayaa Madaxweynaha JSL oo isugu yeedhay Ganacsatada Dalka oo qayb weyn ka qaatay Gurmadka Abaaraha, waxaanannu leenahay waa bilaw ee aad iyo aad ha loo dedaalo.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews