Gudoomiyaha Wargeyska HUBSAD Rashiid Nuur Waceys Oo Umahad Naqay Bahda Garsoorka Somaliland Oo Xukunka Cadaalada Ah Ka Gaadhay Dacwadii Wargeyskaas Iyo Masuuliyiintiisa Loo Haystay
November 13, 2016 - Written by Berbera Today
“Garsoore Idiris Run Ahaan Adduun Wuu U Da’yar Yahay, Xaqsoornimadiisuna U Geli Doontaa Diiwaanka Taariikhda” Guddoomyaha Wargeyska HUBSAD Oo Ka Hadlay Go’aan Ay Maxakamadda Gobolka Hargeysi Ku Laashay Dacwad Muddo Socotay Oo Wargeyskooda Loo Haystay

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex oo in muddo ah dhageysanaysay Dacwada Loo haystay wargeyska Hubsad ayaa shalay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay wargeyskaasi, islamrkaana uu fasaxyahay.