berberatoday.com
AWOODA LOO SHEEGTAY JAMAAL WAA NABSI UU DHITAYSTAY KULMIYE EE MAAHA GUUL AY GAADHEEN QORE:- MAXAMED CILMI DABLE
November 13, 2016 - Written by Berbera Today
Jamaal cali xuseen oo ahaa murashax u taagnaa jagada madaxweyanaha doorashada fooda inagu soo haysa ee madaxtooyada waa shakhsi dhalinyaro ah hankiisa aqoontiisa iyo kartidiisuna gaadhsiiyaan han madaxweyne.
 
waa nin dhalinyaro ah aqoonyahan ah dhaqan yaqaan ah waa nin dul qaad badan waayaha iyo wakhtigu waa nin aanay liicin waa shakhsi isku kalsoon oo ilaahay iyo naftiisa aamin,san waa siyaasi ka waynaaday kaal maysiga iyo ku xidhnaanshiyaha qabyaalada waxana la odhan karaaba waa siyaasiga kaliya ee soomaaliland ee ka waynaaday yaa reer hebelaay.
 
hadaba dabeecadahaas oo dhan waxay noqdeen kuwo u cuntami waayay qolada kulmiye ee kusiga ku fadhida waxanay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen inay ka takhalusaan shakhsi nadiifa bilaaa godoba umadauna aamini karto waaa JAMAALE  u dhabar adayg badan ka dib dhiniciisa dhulka way dhigi kari waayeen lkn nasiib daro waxay keegasoo wareegeen dhanka sxbkiisii ay siyaasada iyo xisbiga ku heshiiska ahaayeen FAYSAL CALI WARAABE oo ah gudoomiyaha xisbiga UCID
 
FAYSAL wuxu dhaafsaday sxbkiisii wakhtiga adag kalasoo dabaashay shilimaad iyo kursigii uu shalay u haneeyey ee uu lahaa qof faraska looga dego adaa u mudan wuxu ku noqday bilaa qawl iyo inuu sxbkii dhabarka midi kala dhaco
 
JAMAAL CALI XUSEEEN waxa dhan ka noqday xukuumada siilaanyo, xisbiga kulmiye maxkamada sare gudida ururada siyaasada iyo faysal cali waraabe oo loo adeegsaday waxaanay ku noqdeen biyo badan iyo col kaa badanba way ku hafiyaan waxana toos lo hor istaagay shirwaynihii maxkamadu ogolaatay halka garabka ay iskasoo horjeedeen loo ogolaaday waxan ku tilmaami karaa jamaal gob guni heshay waxan leeyahay jamaal iska samir samraa sedkii helee qayrkaa waad u da yartahay jabka laguu gaysatayna insha allah waad kasoo kaban doontaa qolada kulmiyee ee guusha isa siisayna waxan leeyahay godobaad gasheen idinka daba iman doonta dhab ahaana maantaad jabteen waxa la dhawraana waa jabkiina iyo kala yaaciina horaana loo yidhi labadii xaqdaro ku heshiisaa xaqay ku coloobaan hadaad maanta xaqdaro isugu sacab tu maysaan maalintay xaqa timaadaad isku muuqan doontaan waxanu dhawrnaana waa xisbiga KULMIYE iyo halkii uu maray xisbigii UDUB talay miyaanay ogayn inay wax kastaa ku dhacaan doonista rabi waxana la yidhi
 
cuqubadu halkii lagu galay
caw ku hurudaaa
caruurtay ka laysaa ninkii
caano baas dhamay.
 
ugu dambayn waxan idinla wadaagayaa dareenkii uu muujiyay aqoonyahan JAMAAL CALI XUSEEN oo ahaa sawir taariikheed baal dahaba u geli doona hadaan fasiro hadaladiisii iyo jawigiii uu ku sugnaana waxay ahayd sida tan
RAGANIMADA IYO ISKU KALSOONANTIISA NAFTIISA AHI WAXAY KA MUUQATAA HADALKIISA QABIIL KUMUU MERAYSANE WUXUU MUUJIYAY IN FAYSAL IYO MUUSE ISU XAGAL DACIYEEEN KADIB MUU ODHAN QABILKAYGIYOW WAX IGA RIDA E WUXUU YIDHI BULSHOOOOY WAXA SOCDA WAD ARAGTANE HADI LAY JABSADO WAA XAGINA OO UU ULA JEEDO WAXA LAGU TAR TAMAYAA WA IDINKE IS MUUJIYA FAHAN DARADENA MABA OGIN OO WAYNU HURUDNA
INSHA ALLAH MAALINTA BERI IYO KACDDOON SHACBI..
 
Hadaanu nahay dhalinta wadanka gaar ahaan gobolada bari uma dul qaadan doono cadaalad daro intaa leeg waanaanu ka dhiidhin doonaa.
 
 
by Maxamed Cilmi Cali Dable
       63 4255578

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews