berberatoday.com
Dawlada Maraykanka Oo Qiratay Inay Duqayn Ku Dishay Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Galmudug Ee Koonfurta Somaliya..
November 13, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Mudug ee horey loo sheegay in Al-shabaab lala eegtay waxaa ku dhimatay 10 askeri oo ka mid ahaa ciidammo taabacsan dowladda, ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Mareykanka.

usa

Hadalkaasi oo laga baahiyay warbaahinta Mareykanka ayaa lagu soo xigtay baaritaan aan wali la daabicin oo ay sameysay waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntii September ay geysteen iyagoo difaacayay ciidammo ka tirsan Puntland oo sheegay inay weerar la kulmeen xilli ay wadeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Jahwareer ka dhashay duqeyntii Maraykanka ee Gaalkacyo

Duqeyntaasi waxa ay dhalisay dibadbaxyo

ka dhan ah Mareykanka oo dadka deegaanka ay sameeyeen.

Ciidamada Soomaaliya waxay sheegeen in dadka dhintay ay ahaayeen shacab iyo ciidamada Galmudug.

Mareykanka waxa uu dowladda Soomaaliya ka taageeraa dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab oo xiriir la leh Al-qacida.

Maamulka Galmudug ayaa horay sheegay in 22 ka mid ah ciidammadooda lagu dilay duqeyntaasi, waxyna ku eedaysay Puntland oo xiriirkoodu uusan fiicneyn inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.

Galmudug: Waxaa na soo weeraray Ciidammada Puntland iyo diyaarado US.

Puntland iyo Galmadug, oo ah maamulo hoos taga dowladda federaalka, ayuu dagaal u dhexeeyay muddo kaas oo ka dhashay muran dhanka deegaanka ah.

Mareykanka wuxuu beeniyay in weerarkaasi dad rayid ah lagu dilay.

“Haddii aan ogaan lahayn in ciidammadaasi ay Galmudug yihiin , waxaan sameyn lahayn wax kasta oo aan uga baaqsan kari lahayn duqeyntaasi,” ayuu yiri sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan aqalka gashandhiga Maraykanka oo u warramay wargeyska The Washington Post.

Source:-BBCsomali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews