berberatoday.com
Qiso Layaable Oo Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe Ka Sheekeeyay Shaahidna Uu U Ahaa
November 13, 2016 - Written by Berbera Today

yuusuf-cabdi-gaboobeCabdiraxmaan wuxu ahaa wiil dhawr iyo 20 jir ah oo aabihi Jirde Cali Ismaaciil kala shaqeyn jiray meherad Banjarle ah oo aanu jaar nahay.Maalin maalmaha ka mid ah oo aan maheradooda taayir ka buusanayey ayaa waxa Craxmaan ii sheegay inu doonayo inuu Liibiya u dhoofo oo u tahriibo.Hadalkiisii oo aan ka naxay darteed ayaa waxan isku dayey inaan ka waaniyo tahriibta iyo khatarta ay leedahay.

Craxmaan mu aheyn dadka hadalka badan.Hadana ka dib markii u si fiican ii dhageystay ayuu wax badan oo calooshiisa ku jiray soo butaaciyey.Hadaladiisii waxan ka xasuustaa “Mustaqbal halkan kuma hayo.Adeerkay Xasan oo SNM isku aheydeenba sanadkii dhawaa waa kii silica iyo darxumada la dhintay.Banjarle waligay ma ahaanayo ee noloshan wax dhaama ayaan raadsanaya sida qayrkayba yeelay”.

Runtiibay aheyd Craxmaan oo adeerki Xasan Cali Ismaaciil isku ciidan baanu aheyn xiligii Halgankii hubaysnaa,waxaanu ka soo goostay ciidankii Siyaad Barre isagoo qorigiisii sita markii uu SNM ku soo biiray.Marka aan Banjerlaha imaaddo ayuu adeerkii ku odhan jiray “Waar Craxmaanow mujaahidka si fiican ugu shaqee”.

Intaanan fogaan ayaan soo jiireeyey oon Banjarlihi ku soo noqday.Waxan Craxmaan uga sheekeeyey 2 wiil oo ka aflaxay wargeyskii Haatuf oo galinka horena waxbarasho dugsi sare ah qaadan jiray galinka dambena wargeyska nagala shaqeyn jiray oo markii dambena jaamacadaha dalka ka qalinjabiyey.
Waxaan Craxmaan ku idhi ka waran hadaad adiguna sidaaso kale samayso oo marka wargeyska dib loo furo aad nagala shaqeyso isla markaana wax barato.Waxay aheyd markii ugu horaysay een wajigiisa farxad ka dareemo,waxaanu iigu jawaabay “Adeer waa sax hadii ay suurtoobayso”.Intii dambe markastoon soo maro Banjerlaha Craxmaan wuxu igu odhan jiray “Adeer wargeyskii goormay inoo sii daynayaan?”.Waqtiyada qaarna hadii u soo maro agagaarka xarunta Haatuf isagaaba soo eegi jiray,kolkaasu marka aanu Banjaerlaha dib iskugu aragno igu odhan jiray “Adeer sowtan askarti wali meeshii haysata”.

Craxmaan wuxu sugaba aakhirkii wuu tahriibay waxaana liqday baddi Mediterraneaan-ka isaga iyo 150 qof oo kale oo ay doon wada saarnaayeen.Aabihi Jirde oo halkan sawirkiisu ka muuqdo ayaa saaka ii akiday geeridiisii iyadoo ay soo sheegtay gabadh caruur yar yar laheyd oo iyadu badbaaday.Markii aan Jirde tacsiyadeeyey een ka tagay ayaan isweydiiyey gabadha caruurteedii ka tahriibtay talow iyadana maxaa kalifay iyo malaha waxay is-tidhi intaanay kugu waaweynaanin oo badda isku gurin adigu u tahriib.

banjarlebanjarlebanjarle

 

Qalinkii Yuusuf Cabdi Gaboobe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews