berberatoday.com
Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre Oo Hoos U Dhigay Waxtarka Somaliland Ugu Jira Soo Xero-Gelinta Cali Khaliif
November 13, 2016 - Written by Berbera Today

xildhibaan koore

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Saleeba Yuusuf Cali-koore oo katirsan mudanayaasha gobollada bariga Somaliland kaga jira aqalka golaha wakiillada, ayaa ka hadlay saamaynta uu yeelan karo hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif oo muddooyinkan xukuumaddu dedaal ay kusoo xero gelinayso ku hawllan tahay.

Xildhibaan Koore oo shabakadda Hadhwanaagnews u warramay, ayaa hoos u dhigay saamaynta heshiis kasta oo aqoon yahankaas xukuumaddu la gasho, waxana uu si maldahan u sheegay in talada deegaannada barigu aanay ka go’in aqoonyahankaas oo kali ah, balse ay jiraan rag muddo dheer halgan badan kusoo jirey.

Saleebaan Cali-koore  oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, “Cali-khaliif waxan u arkaa inuu Oday weyn yahay, wax uu hadda isagu wataana ma jirto, laakiin waxa uun meesha ka baxaya khilaafkii Somaliland iyo dadka deegaankiisa kasoo jeeda u dhexeeyey, odaynimo iyo aqoon ahaanna waa nin loo baayahan yahay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xildhibaanku sheegay in muhiimad gaar ah la siiyo ragga deegaanada bariga dalka kasoo jeeda ee muddada dheer xukuumadda iyo qarankaba wax kasoo dhisayey,“Waa in la ogaadaa in qaranka 25-kaa sano ay cidi dabada ka wadday oo aanu ahayn wax hadda la yagleelayo oo taladu aanay u oollin hal qof iyo hal kooxe ay u taallo dadka iyo cidda deegaankaas ku nool iyo cidda talada sii haysay ee dalkan u halgamaysay” ayuu yidhi xildhibaan Koore.

Hadalka xildhibaan Koore ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro tuhun ballaadhan oo ku aaddan inaanay siyaasiyiinta deegaannada bariga dalku marnaba diyaar u ahayn in lasoo xareeyo dhiggooda weli dalka ka maqan oo uu Cali Khaliif hormoodka ka yahay, waxana ay taasi kamid tahay dhaliisha ugu weyn ee loo jeediyo xubnaha xukuumadda talada haysa iyo goleyaasha kale ee qarankaba katirsan

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews