berberatoday.com
Xog-hayaga Guud Ee Ururka NATO Oo U Digniin U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Mareykanka Donald Trump
November 13, 2016 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Xog-haya guud ee gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa u digay madaxweynaha

la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, waxaanu u sheegay in “kelinimo” aanay dan u ahayn Europ iyo Maraykanka toona.

Wuxuu sheegay in reer galbeedka ay soo food saartay caqabadii ugu wayneed ee dhanka nabadgelyada ah ee mudo qarniyo soo marta.

 

 

Intii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa Trump wuxu ku tilmaamay isbahaysiga milatari ee gaashaan buurta reer galbeedka ee NATO mid hagaastay.

Waxaanu sidoo kale sheegay in Maraykanku aad uga fiirsan doono inta aanu wax gurmad ah u fidin hadii dal ka tirsan gaashaan buurta NATO la soo weeraro, hadii aanu dalkaasi bixin qaadhaanka ku waajibay ee ay tahay inuu siiyo NATO.

Maqaal uu ku qoray wargeyska ingiriiska ka soo baxa ee Observer ayaa Mr Stoltenberg ku qiray in ay jirto eedda Trump sheegay ee ah in loo baahanyahay in dalalka xubnaha ka ah gaashaan buurta kuwooda ladani bixiyaan qaadhaan badan maadaama Maraykanku haatan bixiyo ku dhawaad 70% dhaqaalaha ku baxa miisaaniyadda NATO.

Waxase uu intaa ku daray in hogaamiyeyaasha Maraykanku ay had iyo jeer garawsanaayeen in dalkoodu dano istiraatijiyadeed oo mug leh ku qabo Yurub xasiloon oo nabad qabta.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews