berberatoday.com
Kulan Qarsoodiya Oo Dhex Maray Maayar Muraadka Burco Iyo Hogaamiye Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan
November 14, 2016 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer wafti balaadhan oo ka socday xisbiga mucaaridka ah ee Wadani, waftidan oo uu hogaaminaayey musharaxa madaxwaynenimo ee xisbiga Wadani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ujeedada ugu muhiimsan ee waftigani ayaa ahayd u kuurgalka xaalada abaareed ee ka taagan gobolada bari iyo in ay gaadhsiiyaan gurmadkii xisbi ahaan ay kaga qayb gelayeen aafadan ku habsatay goboladan. Dhanka kale kamay madhnayn olole taageero raadini, waxay masuuliyiinta waftidani kulamo guud iyo kuwo gaar gaaraba ula gelayeen bulshada ku dhaqan magaalada Burco, Hogaamiyaha xisbigani Wadani Mudane Xirsi Cali X. Xasan oo ka mid ahaa weftigan ayaa kulamadii uu la qaadanaayey bulshada waxaa kamid ahaa kulan ay ku wada quraacdeen Hotel Plaza maayarka magaalada Burco Maxamed Muraad, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaalihi in kulan kani ku dhacay codsi ka yimi dhanka mayorka, Xirsina ka aqbalay. Kulankan dhex maray labada masuul oo aan saxaafada loo ogolayn, ayaa hadana sida aanu xogaha hoose ku helayno ayaa waxay sheegayaan in mayar Muraad u cadeeyey Xirsi in aanu ka mid ahayn dadka diidan ee ka soo horjeeda, islamarkaasna uu diyaar u yahay in uu si hoose ula shaqayn doono, waxaa kale oo mayor Muraad u sheegay Xirsi in ay jiraan shirar hore oo uu la qaatay masuuliyiin wadaniya meel fiicana ay wax isla dhigeen, Mayar Muraadna ka dalbaday Hogaamiye Xirsi in uu ku ilaaliyo mayornimada oo aanu gacan siinin xildhibaanada ku kacsan. Siday ilahaasi noo xaqiijiyeen Hogaamiye Xirsi in uu si taxadar leh uga jawaabay codsigaas uga yimi Mayor Muraad una sheegay in uu isna la shaqayn doono. Waxay ahayd bishii sagaalaad ee sanadkani markuu mayor Muraad kulan qarsoodiya kula yeeshay masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan xisbiga Wadani deegaanka Kabadheer oo dhanka galbeed ka xiga magaalada Burco. Guntii iyo gebo gebadii waxaynu dhawri doonaa sida labada dacalba u hirgelin doonaan heshiis hoosaadyadoodan
 
Xigasho badaalnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews