berberatoday.com
Beelaha Bariga Burco Oo Ka Sii Hayaamaya Xisbiga Kulmiye Iyo Hirdanka Burco Ee Hogaanka Xisbiga Wadani+Xumuumada Oo Qorsheysay Safar Degdeg Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Burco Ku Tago
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

hirsi-iyo-ciroBurco(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan iyo Musharraxa Xisbigaa Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer. Waftiga oo ujeedooyin dhawr ah u jooga Gobolka ayaa shalay soo Kormeeray deegaano badan oo ay halleeshay Xaalada abaarta kuwasoo Maanta maamulka gobolka ku wareejiyey Kaalmo ay kaga qaybqaadanayaan samato bixinta abaartaa. Hase-yeeshee Waftiga oo Magaalada Burco ka deggay Huteel Placa ayaa ilaa habeenkii xalay iyo caawa shirar kala duwan kula qaatay halkaa Haldoorka Beesha Habar-jeclo. Kuwasoo raas-raas ula shiraayey Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo aqoonyahanada Beesha bariga Burco. Shirarkaas oo ahaa kuwo albaabaddu u xidhanyihiin ayaa Wararka iyo Xogta ku duugan kulamadaas yihiin isla markaana nuxur ahaan u daaranaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo Ololle taageero raadin oo hoggaanka Xisbiga Waddani ka doonayo inay Bulshada Beesha Bariga Burco siiyaan Xisbiga Waddani Doorashada soo socota Codkooda. Sidoo kalena Shirarka ka socda Huteelka Place ee magaaladda Burco ayaa ahaa Weerar ku wajahan Rasaaska Beeshaasi ka Kooban tahay iyo sidii Taageerada Beesha ee Xisbiga Kulmiye ula soo wareegi lahaayeen. shirarkan oo uu abaan duule u ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan oo hadda ah Hoggaamiyaha xisbiga Waddani ayaa Hantiyey inuu kulamo gooni-gooni ah la qaato Qoorweynta Ardaayada ay kasoo jeedan Wasiiradda iyo Masuuliyiinta Beesha Habar-jeclo ee Xilalka Culculus ka hayaa Xukuumadda. Ardaayada uu Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani iyo Musharraxiisu sida gaarka ah ula kulmeen waxa kamid ahaa Beesha uu kasoo jeedo Wasiirka hawlaha Guud Md. Cali Mareexan, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cali Ducaale, Wasiirka Dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirka Madaxtooyadda iyo Beesha uu kasoo Jeedo Wiilka Madaxweyne Siilaanyo sodogga u yahay ahna Safiirka Imaaraad ee Somaliland oo djawaan laga xidhay ugaas ay isku ardaa yihiin taasi oo saamayn ku yeelatay taageeradii ay beeshaasi u haysay xisbiga kulmiye . Kulamadaas uu Hoggaamiyaha Waddani la yeelanayey Ardaayada Beesha Habar-jeclo ayaa dhamaan waxa ay kusoo dhamaadeen is-afgarad, waxana la sheegay in Beel kastaa uu la galay heshiisyo kala duwan oo Beeshalaha Laga siinayo Xisbiga, isla markaana waxa uu Beel kastaba kala kulmaayey shaqsiyaadka ugu miisaanka culus, tusaale ahaan Beesha uu kasoo jeedo Wiilka Madaxweynuhuu sodogga u yahay waxa uu kala kulmay Oday adeer Ruma u ah, kaasoo lagu Magacaabo Xaaji Maxamuudx Cumar , kaasoo kamid ah ardaaga Beesha Cimraan shaqsiyaadka taladooda gooya. Geesta kale, dhacdooyinka xiisaha lahaa ee ka dhacaayey Huteel Placa ee Magaaladda Burco waxa kamid ahaa Wasiirka Macdanta iyo tamarta oo arrimo Siyaasadeed u jooga halkaa,iyo waliba wasiirka maaliyada oo iyana u timi gurmadka abaaraha, isla markaana waftiga Xisbiga waddani ay wada degen yihiin ayaan mudadii uu halkaa ku sugnaayeen mad Beeshiisa iyo Beelaha Habar-jeclo la yeelan wax shir ah, isla markaana aanay xataa shaqsiyaadka Beesha ee xisbiga la shirayey Salaantu ku dhexmarin Huteelka oo uu xilliyo badan keligii qaybta bulshada ee shaaha lagu cabo fadhiyey, waxana iyagoo weftiyada xukuumadu halkaa fadhiya dhaafay Odayaashii iyo bulshada Ugu tunka weyna kuwasoo heshiis la soo galay Hoggaamiyaha Waddanai Xirsi Cali X xasan Si kastaba ha ahatee, waxa muuqata inuu xisbiga Waddani gabi ahaanba toos ula wareegay taageerada Beesha Bariga Burco, kaasoo hantiyey rasaska masuuuliyiinta xilalka Xukuumada ka haya, waxana muuqata inuu Hoggaamiye Xirsi Cali X Xasan kaga awood batay masuuliyiinta beelahooda, isla markaana guud ahaan beesha Habar-jeclo toos ula wareegay taageeradii ay u hayeen Xisbiga Xukuumadda ee Kulmiye. Dhaqdhaqaaqyadan Xisbiga waddani kula wareegay taageera Beesha Habar-jeclo oo dhamaan markii hore ahayd Xisbiga Kulmiye ayaa hadda mustaqbalkii Xisbiga Kulmiye ee ahaa inuu mar kale kusoo laabto tallada waddanka u quus-goynaysaa, sidoo kalena waxa uu arrimahaasi dhabbaha usii xaadhayaan inuu tallada waddanka si dhib yar ugu guuleysto Xisbiga Hoggaamiye Xirsi gadhwadeenka u yahay ee Waddani. Waxaanay arimahani sabababeen in maalinta saadanbe ah uu safar degdeg ah ugu soo anbabbaxi doono Magaalada Burco.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews