“Dalku Waa 3,000 Oo Nin Oo Murmaya Iyo 5 Malyuun Oo Kuwaa Naf Ka Sugaya” Aqoonyahan Maxamed A. Bile
November 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Dadku waa kun dawladda ka tirsan oo ama xilhaya oo wasiiro ah, ama golayaasha ah ama “Darafu-Dawlo ah” oo difaacaya dawladda. Iyo kun kale oo ka soo horjeeda oo badankoodu ka tirsanayeen dawladihii hore iyo tanba oo hadafkooduna aanu dhaafsiisneyn xil loo dhiibo ama in xisbigoodu meesha qabsado, iyo kun sadexaad oo waxan uun ka faaloonaya oo an anigu ku jiro. Saddexdaa kun oo intooda badani joogto Hargeisa marka ad la noolaato ama dhageysato maba moodin iney jirto umad kale oo hadhey oo la rabey in loo shaqeeyo.
Kunkan dawladdu ka tirsani, xoogooda iyo wakhtigooda intiisa badan waxa ay geliyaan sidii ay iskaga celin lahaayeen ee ay uugu jawaabi lahaayeen kunkan mucaaridka ah, halka kunka mucaaridka ihina ay shaqadoodu ku soo ururtey eed iyo iney canbaareeyaan dawladda, kunka an anigu ka mid aheyna waxa an nahay daawadayaasha oo kolba waxa labadan kun sameeyaan ayuunbaan ka faaloonaa. Sadexdaa kun ee nin waxa tala ka sugaya oo 5 malyuun oo shicib ah oo Ilaahey uun ogyahay intooda habeenkii casho la’aan ku seexata.