berberatoday.com
Donald Trump Oo Ka Dhawaajiyey War Cusub Oo Ku Saabsan Qaxoontiga Sharci Darada Ku Jooga Dalka Mareykanka
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha loo doortay dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu

 qorsheynayo inuu musaafuriyo labo illaa saddex milyan oo qaxootiga aan la diiwaan gelin ee sharci darada ku jooga Mareykanka.

Donald Trump ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu dhisi doono darbi laga hirgelinayo Xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico.

 

 

Wareysi uu siiyay Barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa Telefishinka CBS ayuu taageerayaashiisa u xaqiijiyay in kuwa uu musaafurinayo ay ku jiraan burcada iyo kuwa ka ganacsada daroogada

“Dadka ku jira diiwaanka dambiyada, kuwa ka ganacsada daroogada iyo qaxootiga sharci darada ku jooga halkan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ku musaafurin doonaa”ayuu yidhi Donald Trump.

Waxaa uu sheegay inuu ka dhabeynayo balan-qaadkiisa Ololaha doorashada markii uu ku jiray ee ahaa inuu darbi ka dhisayo xuduuda Mareykanka iyo Mexico ay wadaagaan.

Donald Trump ayaa dhowaan ka laabtay qaar ka mid ah balan-qaadyadii uu sameeyay markii ololaha uu ku jiray, gaar ahaan barnaamijka Obama Care, oo uu horay ugu tilmaamay mid musiibo ah, isla markaana uu meesha ka saarayo.

Hadalkan ka soo yeedhay Donald Trump ayaa ku soo beegmaya, iyadoo banaan baxyada lagu diidan yahay ay galeen habeenkii shanaad, waxaana kumanaan ruux ay dibad baxyo ka dhigayaan magaalooyinka ku yaala Mareykanka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews