berberatoday.com
INDHO LACAG ARKAYAA CADAAB MA ARKAAN”. SUBXAAN. Mohamed gaceyte
November 14, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Inay is casilaan ayaa uga sharaf badnayd inay is buriyaan oo ay beeniyaan go,aankii ay maalmo ka hor ku joojiyeen labada Shir ee garabyada Ucid ku kala dhawaaqeen, kaas oo aan waafaqsanayn Xukunkii Maxkamada Sarre. Xikmad Soomaaliyeed ayaa tidhaa “INDHO LACAG ARKAYAA CADAAB MA ARKAAN”. SUBXAAN.

Guddida Diiwaangalinta kamay qayb galin furitaankii shirweynaha aan caadiga ahayn ee Garabka Faysal qabsadeen hadana waxay ku sheegeen in kaasi Sharci yahay, garabka jamaalna aanu sharci ahayn. Shir aanay fadhiyin oo aanay goob joog ka ahayn ayay goaanadiisii ansixiyeen. Runtii waa talaabo ugub ah oo aan hore u dhicin waana indho la,aan loo badheedhay in Sharci daro laga dhigo sharci la doonayo in lagu raali galiyo cid gaar ah.

 

Guddida Diiwaangalintu way is qaawisay waanay ku fashilmeen shaqadii loo igmaday, Shacabkuna wuu arkayaa wuuna ogyahay wax badalay go’aankii laba cisho ka hor guddidu ku xaaraantimaysay labada shir ee markan danbena xalaal ka dhigay.

Waxaan xasuustay ereyo ku jiry gabaygii SHAREERO ee Abw. Xasan Ganay uu ku cabiray isbad badalka dadka marka damiirka iyo iimaanku dhinto sida ay xaqa uga leexdaan dulmigana ugu hiiliyaan. Subxaan.

= Xaqii shalow buu ka dhacay
= Dulmaa shaarica fadhiya
= Qof kaba shilling kaa ka wayn.

Guddida Diiwaangalinta xaalkoodu sidaas abwaanku sheegay weeyi. Shirka ay ansixiyeen maaha mid sharciya wuxuuna kasoo hor jeedaa Fulinta Xukunkii Maxkamada Sarre. May shéegin qodob qudha oo uu sharci ku noqday daliilna uma hayaan. Saddex shayba shirkaasi sharci ku noqon maayo:-

1. May dhicin inay siwada jira uga hawlgalaan Guddidii qabanqaabada labada garab ee 10 xubnood ka koobnaa sida ku cad xukunka. Waa shir dhinac qudhi gaar u samaystay

2. Maxkamadu way tilmaantay Ergooyinka Shirweynaha imanaya oo hebel iyo hebel loo garanayo may dhicin taasi ee dad cusub oo suuqa laga soo ururiyay oo aan Ucid ahayn ayuu qortay. Ucidii hore wuu ka guuray ilayn khiyaanadan uu wado ayuu rabaa cid sacabka ugu tunta e.

3. Xukunka Maxkamada kumay jirin Musharax baa lagu dooranayaa Shirweynaha. Waa marin habaabin iyo ku tumasho sharci oo laga badheedhay; Gudd. Maxkamadu cidii jabisay xukunkiisii raalibuu ka yahay.

Anagu marnaba aqbali mayno wax aan ahayn Shirweynahii ay Maxkamadu Xukuntay oo sidiisii loo fuliyo mooyaane. Hadii sharcigu maryaha tuurayo waanu wadaynaa, qori qaadan mayno balse sharciga ayaanu dabada haysanaynaa, ninka filaya inaanu aayar iska tagayno habèen muu jirin waana riyo. Xaqayaga cid aanu uga tagaynaa ma jirto somaliland noqomayso meel laysku dhaco oo laysku khiyaameeyo garsoorkuna waxba ka qaban waayo. Kolkaa waxaan leeyahay

“Ama waynu adkaanoo wax jiraynu ahaan
Ama waynu idlaanoo dib laynoo arki maayo”

Ilaahay Xaqa Hayna Garansiiyo.

Mohamed Gacayte….!

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews