berberatoday.com
MARKALE IYO TURKIGA OO CADEEYAY IN UJEEDADOODU TAHAY SOO CELINTA MIDNIMADII SOMALILAND IYO SOMALIA W/Q CABDIKARIIN AXMED MOOGE
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

Danjiraha u fadhiya Somalia Turkiga ayaa marka kale ku celiyay in ujeedada ugu muhiimsan ee Turkigu ka leeyahay Somalia iyo Somaliland ay tahay soo celinta iyo hagaajinta wada-jirka Somalia, waxaan si toos ah u xiganaya qayb hadalkiisa ka mid ah oo ah “arinta noogu muhiimsan ayaa ah wada-jirka iyo midnimada Somalia”!! Anuu lamaan yaabin ninkan la yidhaahdo Olgan Bekar, oo waa kii mar horena duray danaha Somaliland, waa nin ay madax martay midnimada Somalia, waa nin ogsoon in aan madaxda Somaliand wax talaabo ah ka qaadi karin sir uu ka hayaba

Waxaanse is weydiinayaa horta ummadan ayaa matala? Markuu wadan xafiis Hargeysa ku lihi sidan qawan danaheena uga horyimaado ee cidiba buus odhan weydo soo taas macnaheedu noqon maayo shacabkan cid mataasha ma jirto!!! Asxaabtan qaranku aragtidooda ha cadeyaan ku wajahan Turkigan xafiiska ka shaqaynayaa midnimada iyo wada-jirka Somalia ku leh Hargeysa ee safiirkoodu markasta ku celcelinaayo in ay halkan u jogaan soo celinta wada-jirka iyo midnimada Somalia.

Waxaan u bahanahay xukumad iyo xisbiyo qaran oo kuwan oo kale 24 sacadood u qabta in ay Somaliland kaga baxaan. Siyaasiyiinta Somaliland iyaga’uunba is arka oo si qawan u wada hadla oo waad aragtaan siday hadh iyo habeen isugu cayayaan TVyada lakiin kuwa danaheena ka horyimaada uma jawaaban sida ninkan Olgan Bekar! Intay Somaliand jirtay waan joogo maan u soo joogin wadan sidan qawan u yidhaahda waxaanu ka shaqaynaynaa midnimada iyo wada-jirka Somaliland oo hadana xafiis iyo dano ku leh Somaliland

Hadii wadan sidan ujeedadiisu tahay xafiis ku lahaan karo Hargeysa maxaynu ku haysanaa inamadeena xamar jooga ee xitaa loogu diida in ay ka soo qayb galaan aaska walidiintooda dhimata!

 

W/Q  Cabdikariin Axmed Mooge

 
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews