berberatoday.com
Musharraxa Waddani Cirro Oo Shaqo Ka Dhigtay Faafinta Warar Been Abuur Ah Oo Uu La Bartilmaameedsanaayo Jamal Cali Xuseen+ Marwo Aamina Weris Oo Dalka Dibadiisa Ku Maqan Ayuu Faafiyey Inay Madaxtooyadda Ku Kulmeen
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ahna Gudoomiyaha aqalka Wakiiladda ee Somaliland ayaa mudooyinkii u danbeeyey u banbaxay Faafinta Warar Been abuur ah oo uu la bar tilmaameedsanaayo Musharraxa Xisbigii Burburay ee Ucid Jamaal Clai Xuseen.

Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa bishan aynu ku jirno gudaheeda markii labaad faafiyey Warar Been abuur ah oo uu ugu talo galay inuu Sumcada kaga dilo aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kaasoo Faafinta Wararkaa Been abuurka ahna u adeegsaday Koox dhalinyaro ah oo kasoo jeeda Beeshiisa oo uu geliyey Shaadh Saxaaafadeed Kusaoo Baraha Bulshada iyo shawr shabakadood oo ay leeyihiin ku faafinaayey Warar dacaayad ah oo ka dhan ah Musharrax Jamaal Cali Xuseen.

Wararka kasoo baxaayey Xisbiga waddani ayaa ah kuwo been ah, kuwasoo laga leeyahay ujeedo Siyaasadeed oo saldhigeedu yahay in Jamaal Cali Xuseen iyo Xukuumadda, Xisbiga tallada haya ee Kulmiye laga dhigo kuwo Cadaawad xidid keedu fog yahay dhex taalo, isla markaana bulshada iyo Taageerayaasha Jamaal Cali Xuseen lagu jawo-wareerinaayo ama la kala dhex-dhigaayo shaki iyo Was-waas. Hase-yeeshee nuxurka ugu weyn ee Xisbiga Waddani uga dan leeyahay faafinta Wararkaa ayaa lagu sheegay kuwo uu ku doonaya in Aqoonyahan Jamaal cali xuseen biro xisbiga Waddani.

Musharraxa Xisbiga Waddani ayaa habeenka caawa ah Warbaahinta Eimal ahaan ugu qaybiyey War aan sal iyo raad-toona lahayn, isagoo uga qaybiyey Email-ka Ciwaan kiisu yahay (csaxafi@gmail.com), kaasoo sheegeyey in aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Marwada qaranka Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina weris) kulan ku yeesheen qasriga dalka looga arrimiyo ee Madaxtooyadda, isla markaana isla Marwadu dhaqaalihii xisbiga Ucid kaga baxay u celinayso Jamaal cali Xuseen. Warkaa oo gabi ahaanbaa ah mid xaqiiqada ka fog ayuu Musharraxa Xisbiga Waddani bulshada ku majaro habaabinayey.

Waxa kaloo inuu Been yahay Warkaasi caddeynaaya Marwada koobad ee qaranka Marwo Aamina weris waxa ay safar shaqo ugu maqan tahay dalka dibediisa gaar ahaana dalka Uk.

Sidoo kale, Musharraxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa Jamaal Cali Xuseen ku ceebeynaaya dhaqan Siyaasadeed hab qabiil ah, isagoo ilowsan in Siyaasiyiinta Beeshiisa hore looga soo reebay qaab beeleysan, isla markaana waxgaradka Beelaha Garxajis ay siyaasiyiintooda miisaanka leh culeys ku sareen inay taageeraan Xisbiga Waddani, arrinkaasoo xaisbiga waddani ka dhigtay mid qabiil looga dareeray, markii lagu arkay dhaqan siyaasadeed aan xisbiga dalka looga baran oo ah siyaasi kastaa oo beelahaas ka tirsan inuu xisbiga waddani yahay.

Geesta kale, Musharraxa Xisbiga Waddani Md. Cirro ayaa mudooyinkii u danbeeyey diirada saaray cay iyo fadeexado aan jirin oo u la daba galay Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina weris), kasoo ku eedeynaayo inay waddo ollole siyaasadeed iyo sidoo kalen arrimo ay ku medeynayso siyaasadda guud ee Beesha Habar awal.

Si kastaba ha ahaatee, waxa xisbiga waddani ayaa shaqo ka dhigtay warar Been ah oo lagu bartilmaameedsanaayo Jamaal Cali Xuseen, kuwasoo umadda ceeb uga dhigaaya Jamaal ayaa madaxtooyadda galay, isla markaana ilowsan inay madaxtooyaddu tahay goob shaqsi kastaa oo reer Somaliland ahi geli karo hadii dani kaga xidhanto, waxa kaloo uu Musharraxa Wadani ilowsan yahay inuu isba marar badan ku noqnoqdo Madaxtooyadda oo galo. Iyadoo ay taageerayaasha Jamaal cali Xuseen su’aal iska weydiinayaan sababta Md Cirro gelista madaxtooyada ee Jamaal cali xuseen xaaran uga dhigaayo, tiisana xalaal?.

 

 

 

Xigash Xogreebnew.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews