berberatoday.com
Muxuu Darnaa Kulankii Qarsoodiga Ahaa Ee Samaale Iyo Silaanyo Madaxtooyada Ku Dhex Maray
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

samaale-iyo-siilanyoHargeysa(Berberatoday.com)-Kulan gaar ah oo albaabadu u xidhnaayeen ayaa habeen hore qasriga Madaxtooyada Somaliland ee  Hargeysa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay Muddo dheer ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhaw balse tartankii xisbiga KULMIYE dhexdiisu kala irdheeyey in muddo ahna saaxadda siyaasadda ka maqnaa.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola Kulankan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in labada dhinac iska laab xaadhanayeen qardoofinkii iyo utuntii siyaasadeed soo kala gaadhay mudadii Ex. Wasiir Samaale xisbiga KULMIYE doonayay in uu ka dhex tartamo, tartanka adagina u dhaxeeyey Guddoomiyaha/Musharraxa Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyada oo wakhtigaasi Madaxweyne Siilaanyo taageeradiisa la garab joogsaday Guddoomiyaha KULMIYE, sidaana Ex. Wasiir Samaale kaga baxay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isaga oo wakhtigaasi diiday in uu qabto xilka Wasaaradda Waxbarashada kadib baddalkii Golaha Wasiirrada ee maalmahaasi ku beegnaa.
Kulankan oo la sheegay in uu casuumaddiisa lahaa Madaxweyne Siilaanyo ayay labada masuul si weyn isula qaateen in safxaddaasi la laabo wixii soo kala dhex marayna laga gudbo loona midoobo sidii Wasiirkii hore ee Maaliyaddu Madaxweynaha iyo Hogaanka KULMIYE uga gacan siin lahaa dhismaha xisbiga KULMIYE iyo waliba sidii ay hannaan midaysan isugu barbar taagi lahaayeen Musharrax Muuse Biixi Cabdi oo tartanka doorashada soo socota ee Madaxtooyada isagu u tartami doona Xisbul Xaakimka KULMIYE.
Dood iyo faallayn waayihii mudada kala irdheeyey kadib waxa ay dhinacayadani isla qaateen in ay ku kala bogsadaan cidiba wixii ay dhinaceeda u tirsanaysay iyada oo Ex. Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale Madaxweynaha u ballan qaaday in uu la shaqayn doono xisbigii uu ka tirsanaa ee uu aasaaskiisa wax ku lahaa muddoda kaga maqnaa xafiiltankii siyaasadeed wakhtigii loo diyaar garoobayay doorashada Musharraxa Xisbiga KULMIYE.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay in uu kulankan Cabdicasiis Samaale ugu mahad naqay go’aanka ay isku Calool xaadheen Guddoomiye Muuse Biixi ee uu kula shaqaynayo wakhtigan isaga oo sheegay in Samaale oo ka mid ahaa kaadirkii xisbiga KULMIYE muhiimad weyn u leeyahay xisbiga oo wajihi doona tartanka doorashada.
Kulankan ayaa la sheegay in ay dhinaca Madaxweynaha ku wehelinayeen Marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

 

Xigasho Baligubadlemadia

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews