berberatoday.com
Waxtarka Hurdada U Leedahay Caafimaadka Iyo Hab Dhaqanka Qofka
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Waxaana xaqiiq ah in mar kasta oo qofku sii weynaado oo dadiisu korodho ay tirada saacadaha uu seexdaa hoos u dhacayaan oo ay yaraanayaan.

Laakiin waxa xaqiiq ah toddobadan arrimood ee hoos ku xusan oo dad badani aanay ogeyn oo la xidhiidha hurda iyo saamaynta ay ku leedahay nolosha aadmiga, Waxaanay kala yihiin:-

 

  1. Jimicsiga: waxa uu jidhka ka caawiyaa sidii u heli lahaa hurdo wanaagsan, islamarkaana waxa aan habboonayn jimcisiga la sameeyo xilliyada hurdadu soo dhawdahay.

 

  1. Lammaanaha kala taga : Tira koobyo Fara badan oo la sameeyay ayaa waxa Lagu cadeeyay in lammaanaha kala taga, haddii ay yihiin kuwa is furay ama midkood geeriyooday ay la kulmaan hurdo xumo, sababtuna ay tahay warwar badan oo la xidhiidha arrintaasi.

 

  1. Riyo: Dadku way riyoodaan marka ay hurdaan halka ay culimadu wali baadhayaan in xayawaanaadku marka ay hurdaan inay riyoodaan iyo in kale.

 

  1. Kala saraynta dhulka: Mar kasta oo meesha aad ku nooshahay ay tahay meel saraysa ama buuralay waxa kor u sii kacaya hurdo yaraantaada.

 

  1. Waxbarasho: Waqtigu hurdada  waxa uu qofku awoodaa inuu wax barto haddii aad akhriyaysay cashar gaar ah ka hor inta aanad seexan marka aad seexato waxa ay maskaxdu dib u muraajacaynaysaa casharkaasi, iyadoo lala kulmo natiijoyin cusub marka aad hurdada ka kacdo.

 

  1. Hurdada kugu filan waxa ay kor u qaadaysaa caqligaaga iyo xariifnimadaada waxa aanad noqonaysaa qof aad u fiiro dheer oo xariifnimadaada ah.

 

  1. Dadka shaqeeya xilliyada kala duwan, taasi macnaheedu tahay dadka marna shaqeeya waqtiyada habeenkii marna shaqeeya maalintii waxay halis u yihiin cuduro badan oo ku dhaca wadnaha iyo calloosha, isla markaana hurdada ay seexdaan ma aha hurda caafimaad rabta.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews