Xulka Kubada Cagta Gobolka Xaysimo Oo Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Ku Eedeeyay Inay Ka Musuqmaasuqday Abaalmarin Ay Lahaayeen
November 14, 2016 - Written by Berbera Today
Hargaysa(LaascaanoodCiyaartoydii Xulka Gobolka Xaysimo oo ku sugan magaalada hargaysa Ayaa cabasho ka muujiyay Cadaalad daro ay kula kacday Wasaaarada Ciyaaraha Somaliland Kuna aadan Tartankii Maalintii shalay kusoo dhamaaday Magaalada Hargaysa
Tababaraha Kooxda Xulka Kubada cagta ee Xaysimo Maxamed Faandhe oo u Waramay Shabakada Wararka ee Laascaanood.com ayaa Noo sheegay inay Jiraan Cadaalad daro ay ka Tirsanayaan Tartankaasi ay ka qayb galeen waxaana uu carabaabay inaanay Xulkoodu helin Abaal Marino Kala duwan oo ay ku guulaysteen Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ciyaar yahankii Ugu Goolasha Badnaa Tartankaasi Kaasi oo Ku Hogaaminayay 4 Gool oo uu Dhaliyay oo 3 Mid ahi uu Dhaliyay hal Ciyaar Taasi oo aan hore uga dhicin Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Waxaana uu Yidhi Isagoo Arimahaasi Ka hadlaya![14708193_1274902682551394_1839419036735041302_n](http://www.laascaanood.com/wp-content/uploads/2016/11/14708193_1274902682551394_1839419036735041302_n.jpg)