berberatoday.com
Xulka Kubada Cagta Gobolka Xaysimo Oo Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Ku Eedeeyay Inay Ka Musuqmaasuqday Abaalmarin Ay Lahaayeen
November 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(LaascaanoodCiyaartoydii Xulka Gobolka Xaysimo oo ku sugan magaalada hargaysa Ayaa cabasho ka muujiyay Cadaalad daro ay kula kacday Wasaaarada Ciyaaraha Somaliland Kuna aadan Tartankii Maalintii shalay kusoo dhamaaday Magaalada Hargaysa

Tababaraha Kooxda Xulka Kubada cagta ee Xaysimo Maxamed Faandhe oo u Waramay Shabakada Wararka ee Laascaanood.com ayaa  Noo sheegay inay Jiraan Cadaalad daro ay ka Tirsanayaan Tartankaasi ay ka qayb galeen waxaana uu carabaabay inaanay Xulkoodu helin Abaal Marino Kala duwan oo ay ku guulaysteen Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ciyaar yahankii Ugu Goolasha Badnaa Tartankaasi Kaasi oo Ku Hogaaminayay 4 Gool oo uu Dhaliyay oo 3 Mid ahi uu Dhaliyay hal Ciyaar Taasi oo aan hore uga dhicin Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Waxaana uu Yidhi Isagoo Arimahaasi Ka hadlaya14708193_1274902682551394_1839419036735041302_n

“Ciyaaraha Somaliland Waxaa u yaala Ciyaaryahanka ugu Goolasha Badan in la Gudoonsiiyo Abaal marino kala duwan oo Yididiilo Gelinaysa Ciyaaryahanka Sida Gaadiid Nooc kasta uu ahaadoba Waana mid hore u dhacday waxaana aaan ka xusaynaa Koobkii 2011kii oo uu ku guulaystay Ciyaaryahan u ciyaarayay Xulka gobolka Maroodijeex ee Gofindhe14900548_1274902869218042_136123739945287017_n

Sidoo kale Koobkii u danbeeyey ee 2013kii Ayaa ay sadex ciyaaryahan isku kaalin galeen  Goolal badnaanta  waxaana  loo kala qaybiyay Gaadhigii Abaalmarinta loo siiyay

Hadaba sanadkan 2016 waxaa ku guulaystay Kaalmahaasi Goolal badnaanta Ciyaaryahan kasocday Xulka gobolka Xaysimo kaasi oo aan ilaa hada la siin Abaal marintii uu Xaqa u lahaa Waxaana aanu taasi u aragnaa Eex iyo Cadaalad daro Toos ah oo gabasho lahayn oo lagula kacay Ciyaaryahankaasi Maadaama uu kasoo jeedo Gobolka Xaysimo Balse hadii uu kasoo jeedi lahaa Gobolada Kale in sida ugu dhaqsaha badan uu u heli lahaa Abaal marintaasi loona siin lahaa  14906901_1274902769218052_3662484446412478545_n

Waxaanu leenahay maadaama uu gobolka Xaysimo yahay Kii ugu danbeeyey ee Somaliland La magcaabo isla markaana Wacdaro ka muujiyay Tartankaasi kana soo gudbay wareegi hore ee Lagu Qabtay Magaalada Burco Kuna Guulaystay Gool Dhalinta Sidoo kalena u hogaansamay Xeerkii Wasaarada ee lagaga Reebay iyagoo la dhibca ahaa Labadii gobo lee Finalka isugu Yimi ee Awdal iyo Xaysimo oo Kala Lahaa (Awdal=6 dhibcood)(Saaxil=6 dhibcood)(Xaysimo=6 dhibcood Iyo 5 Gool) misana Abaal Marintii ay xaqa u lahaayeen la siin waayo waxaanu u aragnaa Waa niyad Jebin Waanuna Ka fiirsan Doonaa kasoo Qayb Gelista Tartanka Ciyaaraha ee Somaliland wixii manta ka danbeeya

14907212_1274902529218076_632984550574042288_n

Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews