“Cabdiraxmaan Cirro Oo Ah Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta, Waa Nasiib-darro In Waddani Uu Sharciga Ku Dhiqi Kari Waayey..” Garyaqaan Cumar Maxamuud Xuseen
November 16, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Garyaqaan Cumar Maxamuud Xuseen, ayaa ka hadlay waxa ay Sharciga dalka iyo Xeerarka Xisbiyada Somaliland ka qabaan Sharcinnimada Guddiga fulinta ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye shalay sheegeen inay xilka iyo xubinnimada-ba kaga xayuubiyeen ama kaga qaadeen Guddoomiye Ku-xigeennadii koowaad iyo labaad ee Xisbigaas Axmed Muumin Seed iyo Faarax Maxamed Cabdulle (Faarax-dheere), waxaanu ku tilmaamay inaanay awood u lahayn Guddigaasi inay xubnahaan xilka ka qaadaan Sharci ahaan.