Muran Ka Taagan Mabda’a Siyaasadeed Ee Ismaaciil Hurre Buubaa Iyo WADDANI Oo Ka Difaacay Eedaymo Kaga Yimid Xukuumadda Iyo Xisbigeeda KULMIYE
November 16, 2016 - Written by Berbera Today
“Xukuumadda waxaanu ku haysannaa oo aanu ka doonaynaa in Maxkamadda Sare iyo Xeer ka soo saarto in Ismaaciil Hurre Buubaa la yidhaahdo waa Federaalka (Soomaaliya)..” Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda UDUB Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay Xisbi ahaan Dacwo ka yihiin Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE oo uu ku eedeeyay inay Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka noqday Mabda’ii Soomaali-weyn ay illaa hadda ku eedeynayaan inuu yahay Soomaali-weyn aan aaminsanayn Qarannimada Somaliland.