berberatoday.com
“Nin Tuug Ahi Igama Adkaan Karo, Nin Xeerkii Ummadda Jebiyey Igama Adkaan Karo, Berito Hadii Kulmiye Laga Helo Codka, Waxa Hubaal Ah Inuu Ina Cali Waraabe-Na Markhaati Beenaale Ku Qoran Yahay”Xildhibaan. Maxamed Faarax Qabile
November 16, 2016 - Written by Berbera Today

“Dalka Inqilaab Kamu Dhicin, Arrin Sharci Darro Ahna Lama Aqbali Karo, Hadday Cidi Fashilantay Xukuumadda Kulmiye Ayaa Fashilantay, Hadday Cidi Fashilantay Hay’addihii Garsoorka Ahaa Ayaa Fashilmay, Hadii Ay Cidi Fashilantay Guddida ee Maqarsaarka Ah Ayaa Fashilmay. Tuuganimada La Isku Bahaystay Ee Dilaalka Selledda Lagu Sido Ee Faysal Cali Waraabe Ayaa Guuldareystay. Berito Hadii Kulmiye Laga Helo Codka, Waxa Hubaal Ah Inuu Ina Cali Waraabe-Na Markhaati Beenaale Ku Qoran Yahay. Garabkayaguna Inaanu Dhibaato La’aananayn, Hadii Sidaas Doorasho Lagu Galo, Dalku Wuxuu Geleyaa Mugdi Iyo Dhiig Daata”. Xildhiban Maxamed Faarax QabileAnigoo ah Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ah oo Maalmahan Booqasho ku joogay degmooyinka Berbera, Sheekh iyo Togdheer. Waxan halkan kusoo gudbinayaa dareenka Taageerayaasha deegaanadaas iyo intaa u dhaxaysaa ku kala nool ay qabaan, Marka la eeggo dhacdaadii Murugada lahayd ee ku timi Xisbiga Ucid, qiimeynta Taageerayaashu qaban aan ugu gudbiyo taageerayaasha Xisbiga Ucid ee ku kala nool daafaha aduunka.

Dareenka Maanta dadkaasi qabaan waxa weeye, Inaanu Xisbiga Ucid ahayn mid ka baxay kaalintiisii xisbinimo oo dhacay. Maadaama oo ay caddaatay inaan dariiq sharci oo ku san banaan xeerarka dalka iyo Dastuurka Somaliland aan loo marin, waxay qabaan inay yihiin Xisbigii Ucid oo Caynkiisii ah. Fikirkaa dadka dibeda laftoodu way soo dirayaan, arrinkaasina waa mid dadka Dimuquraadiyadda Jecel niyad jab ku ah. Waxay dadkaasi ka webinayaan talo kastaa oo Liic-liic leh. Waxanay soo jeedinayaan inay talo buuxdaa dhacdo, laga baaran deggo, meelna aan loo dhaqaaqin. Hadii kale waddanku geli doono halis, waayo waxa Maanta ku dhacay Ucid waxay ku dhici doonaan Waddani, waayo Maxkamaddaheeni waynu aragnaa, Gudideenii Diiwaangelinta ee cabudhinta loo sameystay waynu aragnaa,Xeerarkii dalka sida loo marin habaabiyey Waynu Aragnaa, hadal la’aanta Komishanka ee uu ka Diiwaangan gashanaa Musharraxu oo aan laba musharax xisbina diiwaangelin Karin waynu aragnaa, wixii ku jiray Rikoodhadii Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda sare waynu aragnaa. Wax ay qaadan karaan Taageerayaashuna maha tallada xisbiguna waa Wada Tashi, waxaan ku talinayaa inay gudo iyo dibedba u furan tahay wada tashigu, taageerayaasha Xisbiga Ucid inuu Jiro Musharraxoodii oo aanu dhicin.

Waxan ku ayidayaa anigoo Xildhibaan qabile ah, hawlahana u kuurgelaayey muddo laba Todobaad ah, in talo miisaaman oo musdanbeed adag leh oo Siyaasiyiinteena Xulka ah leh, oo taageerayaashu dal iyo dibeda kaalin mugleh ku yeeshan xisbigaasi weli Musharraxiisu wuu taagan yahay, markaa loo eggo indhaha Caalamka, wuxuuna ku taagan yahay dheelitirka badbaada dalka, waayo berito hadii Kulmiye laga helo Codka, waxa hubaal ah inuu Ina Cali Waraabe-na Markhaati Beenaale ku qoran yahay. Garabkayaguna inaanu dhibaato La’aananayn, hadii sidaas doorasho lagu galo, dalku wuxuu geleyaa Mugdi iyo Dhiig Daata. Waxay Maanta Badbaadada Qaranku ku xidhan tahay meesha Xisbigan Ucid ee Kadinka khaldan loo soo maray iska taago badbaadada dalka, isagga tiir dhexaad ah, hadii sidaas lagu sii daayo xisbi danbe oo dhisanina ma jiraayo.

Waxaynu gelaynaa halgan badbaado oo dalka ah, Cid aanu u jan-jeedhsameynaa ma jirto, taageerayaahsa Ucid ee sii laban-labmayana taladooda dal iyo dibedbaa waa lama huraan oo waa In Tixgelintooda la siiyo. Waxa weeye Nin Tuug ahi igama Adkaan Karo, Nin Xeerkii ummadda jebiyey igama adkaan karo, haduu Madaxweyne yahay iyo hadday Maxkamad tahayba Sharciga ayey dhawrsanaantu ku jirtaa, dariiq alle iyo dariiq la odhan karo Musharraxnimada Jamaal meesha ayey ka baxday oo Maqaarsaarba loogu dhiibay Cid kale Arrin siconaya maha. Xisbigu waa Inuu gala Dacwadiisa Caalamiga ah, tan Beesha Caalamka isagoo ka faa’ideysanaaya oo qiimeynaaya rabi-taanka shacabka S/land ee Taageerayaasha gudaha iyo dibeda, waxan leeyahay anigoo Maalmahan Websiyada lagu faafinayey Warar iska hor jeeda, waxan u kuurgalay Fikiro ay qabaan dadka ku Nool Saaxil, Sheekh iyo Togdheer, waxan Maanta ku niyad samay inuu Xisbiga Ucid nool yahay Musharraxiisii xaqa ahaa Nool yahay oo cidna aanu dariiqa uga baydhayn,cidda cabudhin ku sameynaysaa, waxa kaga xun Waddanka oo Burbura, waanu badbaadinaynaa, waanu u taagnaaneynaa, waxanu Ixtiraameyna bahweynta Ucid ee dalka dibediisa iyo gudahaba ka diyaar-gabeysaa, maha talo si yaroo kooban la iskaga gudbo. Waxaan leeyahay Cid kastaa oo u luqun Diin-leynaysay arrinkaa haka laabato, bahdilaad danbena ma qaadanayno.

Shacabka reer Somaliland waxan u balan qaadaynaa anagoo ku kaashanaynaynaa taageerayaashayada muga leh inaanu dalka badbaadino. Sidaas waxa waafaqsan qawaaniinta Caalamiga ah, waxa waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka qaranka iyo nidaamka asxaabta badan. Dalka Inqilaab kamu dhicin, arrin sharci darro ahna lama aqbali karo, hadday Cidi Fashilantay Xukuumadda Kulmiye ayaa Fashilantay, hadday Cidi Fashilantay Hay’addihii Garsoorka ahaa ayaa fashilmay, hadii ay Cidi Fashilantay Guddida maqarsaarka ah ee Diiwaangelinta ayaa fashilmay. Tuuganimada la isku bahaystay ee Dilaalka Selledda lagu sido ee Faysal Cali Waraabe ayaa Guuldareystay. Waxanu sii dhiiran oo aan gabasho lahayn taageerayashayada ku wargelinaynaa inaanu Kursi la hela qiimo lahayn, waxanu isku taageyna badbaadada Dalka. Kuma sii daynayno dalka Doorashooyin lagu shubto oo nabad gelyo xumo sabaabto iyo xisbi la iskugu tagaa. Xisbigani wuu nool yahay cid kastaa oo maqaarsaar ahayd baa meel ha istaagtay, ha filato inaanaan meel ku niyad jabeyniin murkashacasho.

Waxan ku dhiirigelinaya Xisbiga Ucid kayaga uu Musharraxu hoggaaminaayo ew baaxada taageero ee Maanta u Korodhay inaanay dalkan u dayacin inay xumaan danbe kasii dhacdo, waxaynu umadda u jeexaynaa dariiq george washington cadaaladeed iyo dhabbe lamid ah kii Madaxweynihii Maraynkana Mr oo nidaamkii u jeexay weli dalka kasii shaqeynaayo waddo lamid ah. Kuma qancayno sharci darro iyo maqaarsaan midna

Waa billahi Tawfiiq

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile.

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews