berberatoday.com
SHAQADII KOMIISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA OO ISU TAAGTAY SHAQAALE LA’AAN MARKII 31 OCTOBER 2016 80% KA MIDA SHAQAALAHII LA ERYEY,
November 16, 2016 - Written by Berbera Today

SHAQADII KOMIISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA OO ISU TAAGTAY SHAQAALE LA’AAN MARKII 31 OCTOBER 2016 80% KA MIDA SHAQAALAHII LA ERYEY,

 

 

Aniga oo aan jeclayn in aan halkan Magacayga ku xuso sababo  aniga ii gaara awgood ,

Waxaan beryahan maqlayey ama ku arkaayey Warbaahinta Maxaliga ah qaarkood,  “in Komishanka Doorashooyinka Qaranku wado hawlo dardar galin ah ama dhamaystir ah oo loogu diyaar garoobaayo doorashada fooda inagu soo haysa ee la filaayo in ay dhacdo 27 March 2017 keeda hadii Alle Idmo”.

 

Haddaba aniga oo ka mid dadka xog-ogaalka u ah Xarunta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL in aan halkan ugu soo gudbiyo xogta dhabta ah ee aanay jirin cid iiga xogogaalsani ama iiga war rooni. Taas oo aan uga dan leeyahay in aan u sheego oo ay ogaadaan halka ay wax marayaan iyo sida uu xaalku yahayba dhamaanba umada reer Somaliland iyo daneeyeyaasha Khaaska ahba, sida XISBIYADA qaranka.

Waxaa dhab ah oo aan idhaha laga qarsan Karin in KDQ ku ku guulaystay hawshii ugu balaadhnayd uguna Muhuunsanayd oo ahayd Hawshii Diiwaangalinta Muwaadiniinta Codbixiyeyaasha ee Somaliland min cidhif ilaa cidhif. Balse waxaa is ay iswaydiintu tahay Hawshii miyey soo dhamaatay oo waa laga fara xashay mise wali waxbaa hadhsan?

Balse jawaabta su’aashan ayaa ah mid aanay dadweynaha reer Somaliland si toos ah uga wada warqabin halka siyaasiyiinta qaarna ay sheegaanba in aanay ku kalsoonayn in ay doorashadu xiligii loo cayimay ku qabsoomi doonin iyaga oo ka muujiya DAYRO iyo KALSOONI daro aad ah. Halka Guddida sar sare ee Doorashooyinka Qarankuna Marwal oo ay saxaafada la hadlaanba ku adkaystaan in ay Doorashada xiligeedii  ay Maxkamada sare ee JSL u cayintay ay qaban doonaan, wax walibana diyaar u yihiin oo ay ugu muhiimsantahay Kharashaadkii ay doorashada ku qaban lahaayeen.

Haddaba aniga oo ka mid ah dadka xeedhada Gunteeda og waxaan jeclaystay in aan war sax ah idinka siiyo arimahan. Waxaana jirta oo xaqiiq ah sidan hoosku qoran:-

31 October 2016 kii abaaro 11:30am Duhurnimo ayay warqad Khaas ahi kasoo baxday Guddida Sare ee KDQ ka gaar ahaan Xafiiska Agaasimaha guud ee KDQka JSL Taas oo Nuxurkeedu ahaa in dhamaanba Shaqaalaha ay shaqada fasax ka yihiin  Sida ku cad waraaqdan khaasatan Shaqaalaha ka shaqeeya labada waaxood ee ugu muhiinsan ee kala ah Waaxda IT-da iyo Waaxda TABABARKA (IT Dept and Training Dept).Shaqaalahaas oo tiradoodu dhamayd 34 qof oo u dhiganta 80% (boqolkiiba sideetan) guud ahaan shaqaalahii xarunta KDQ ka sidda tooska ah uga Hawlgalijiray Mudadii ay hawsha diiwaangalintu socotay. Warqadaas uu amarku ku qornaa laguma sheegin wax sabab ah oo shaaqalahan lafdhabarta ah meesha looga saarayo, xataa lama odhan waxaa idinka Dhamaaday Contract giinii ee nabad Gelyo, ee waxaa la yidhi oo kaliya “Waxii aad qalab iyo Documents Komiishanka u hayseena soo Xareeya xataa ID cards kii aad lahaydeen, waxaana afka looga sheegay oo aan warqada ku qornayn in shaqadii halkaa ku dhamaatay iyana ay halkaa ku joojiyaan, hawshiina sidaas ku dhamaatay,  iyagoo gacanta ku hayay ama ku guda jiray hawlahii ugu muhiimsanaa oo kala ahaa;-

a-      Kooxi waxay wadeen; Scaning Certificates Dib u akhrinta shahaadooyinkii laga soo ururiyey muwaadiniintii isdiwaangaliyey,  taas oo looga dan lahaa  in la helo Macluumaadka dad laga  waayey SERVER-ka Guud oo aan wax macluumaad ah laga haynin Haba yaraatee dadkaas oo noqonaya ilaa 5% tirade guud ee iska diiwaangalisay Somaliland Cilad farsamo wageed. Balse  waraaqo ahaan la heli karo, sida kaliya ee lagu heli karaana ay tahay uun in Dib loo akhriyo dhamaan Shahaadooyinka Muwaadiniinta oo dhan taas oo u baahan ku dhawaad hal malyuun oo shahaado in la Scan-gareeyo ama dib loo akhriyo. Hawshaas oo ilaa hadda aan odhan karo waxaa qabsoomay oo kaliya wax ka yar 20% (boqolkiiba labaatan) tira dadka macluumaadkoodi Dib loo helayna ay gaadhayaan uun wax ka yar 15% (boqolkiiba shan iyo toban). Taas oo aanay macquulba ahayn in lasoo daabaco kaadhadh ilaa la wada helo mooyaane, waayo sida ku cad xeer-nidaamiyaha KDQ ka waa in qofka oo Muwaadin ah oo isdiiwaangaliyey waa in uu helo Kaadhkiisa Codaynta, si uu ugu guto waajibaadkiisa doorasho ee dastuurku siiyey. Macluumaadkaa aan SERVER-ka ku jirini maaha gobol kaliya ee Dhamaanba Gobolada Somaliland mana aha xog laga maarmi karo waayo waa tiro aada.

b-      Koox kalena waxay wadeen; kala Saaristii Dadkii hal mar waxka badan isdiiwaan galiyey, shaqadan oo ah mid aad iyo aad u culus una baahan ka fiirsasho badan waayo waxaa loo baahan yahay in la ogaado sababta uu qofkani iskugu dayey in marlabaad isdiiwaangaliyo, sababtoo ah waxaa dhacday intii aanu wadnay hawsha Diiwaangalinta dhacdooyin kala duwan oo qaarkood aanay ahayn Sharci ama in qofkaas labada jeer isdiiwaangaliyey la lumiyo xogtiisa ama Kaadhkiisa uu waayo. Sida haday dhacdo cilad farsamo oo kale IWM.

Haddaba laga soo bilaabo 31 October 2016 kii ilaa maanta wax shaqo ah oo ka socota xaruntii KDQ ka ma jirto dadkii hawshan u xilsaarnaa  ee ahaa Lafdhabarta KDQ kana  waa taas meesha laga saaray, Mudadii Doorashadana waxaa ka hadhsan 133 maalmood, Mar ay Waaxahii hawshan ku shuqulka lahaa ee u xilsaarnaa ay ka codsadeen Xubnaha KDQ ka oo yidhaahdeen shaqaaliina waad kala direen hawshiina halkiibay taagan tahay wakhtigiina waxba kamay Hadhin ee ama Shaqaale kale keena ama kuwii soo celiya oo xataa badhkood soo celiya hadaydaan soo wada Celinayn. Balse wali codsigaas wax jawaab ah kamay soo celin mana mooqato wax saan saan ah oo muujinaysa in shaqaale Cusub la qoraayo, ama kuwii hore ee Shaqada ganaayey lasoo celin doono, waayo Maadaama oo aan kolna shaqaale laga maarmayn waxay ahayd in shaqaalahan oo KDQ-ka kala soo dabaashay hawl adag oo wakhtigeeda iyo waayaheedaba watay runtii ahaana shaqaalaha kaliya ee ay Guddidu marwalba ku faani jirtay oo ay meelkasta iyo Shir walba ka sheegi jireen in ay yahiin dadkii ku haboonaa ee ay hawshuna u baahnayd.

Haddaba waxaan leeyahay Somaliland neey Komiishankiinii Waakaas…..

 

 

 

“Ali Jama Guuleed”

alijama.g@outlook.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews