berberatoday.com
Xisbiga Kulmiye Muxuu Ka Yidhi Khilaaf La Sheegay Inuu Ka Dhex-qarxay Muuse Biixi Iyo Saylici?
November 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaaf la sheegay inuu ka dhex-qarxay Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee Xisbigaas u taagan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), kaasoo la sheegay inuu dibedda u soo baxay ka dib markii uu dhaawac soo gaadhay Saylici Axaddii toddobaadkii hore ka dib.

MUSHARRAX CABDIRAXMAAN-SAYLICI IYO MUSHARRAX MUUSE BIIXI 2016

 

Hase-yeeshee, Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, oo Salaasadii Maanta Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in warkaasi yahay mid la buunbuuniyey oo aanay waxba ka jirin, waxaanu ka hadlay booqasho la’aanta la sheegay in khilaafkaasi sababay oo aanay Hoggaanka Kulmiye, gaar ahaan Muuse Biixi booqannin markii uu dhaawacmay Madaxweyne Ku-xigeenka oo Misigta wax ka noqday ka dib markii uu ku kufay Marmarka Gurigiisa, dhaawacaas oo dalka dibeddiisa loogu qaaday Saylici Arbacadii.

Haddaba, Xoghayahe Xasan Siciid Yuusuf Warka kooban ee uu Warbaahinta qaar Maanta ku siiyey magaalada Hargeysa iyo sida uu arrintaas ugaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacn oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews