berberatoday.com
Burco”Wiil Uu Dhalay Gudoomiye Kuixgeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed Oo Shixnad Khamri Ah Lagu Qabtay Xabsigana Loo Taxaabay
November 17, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Burco ayaa xabsiga utaxaabay Guuleed Maxamed Kaahin oo ah wiil uu dhalay Gudoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed kadib markii wiilka lagu qabtay isaga oo gaadhi ku sida shixnad khamri ah oo sida la sheegay uu ganacsi ahaan usiday waxaana islamarkiiba xabsiga loo taxaabay wiilkaas uu dhalay Gudoomiye Kuxigenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye iyo shixnadii maandooriyaha aheyd ee uu sidayba iyada oo arinkanina fadeexad qaawan kuyahay Mujaahidka wiilkan dhalay oo aan masuuliyadba lagu aamini karin sababo la xidhiidha gurigiisii iyo awlaadiisii oo aanu kaba war haynin waxa ay ka shaqeeyaan.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacay Xarunta Gobolka Togdheer ee magaalada Burco iyada oo Guuleed Maxamed Kaahina ilaa hada ku xidhanyahay Xabsiga Magaalada Burco loona diyaarinayo sidii maxkamad loo horgeyn lahaa danbigiisana loogu qaadi Lahaa.

Aabaha wiilkan dhalay oo ah siyaasi katirsan hogaanka sare ee Xisbil Xaakimka Kulmiye ayaa kamida raga maalin kasta tvyada la taagan dhaliilasha asxaabta qaranka iyo difaaca Kulmiye iyo Xukumadiisa hase yeeshee waxad moodaa in aanu xilba ka saarayn awlaadiisa iyo qoysaskiisa qaarkooda hada lagu hayo mukhaadaraadka isaga oo Waliba Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye dmacsan inuu kamid noqdo Madaxda iyo Masuuliyiinta Qaranka ee ay kaabaynka ugu jiraan isaga iyo hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye,

Khamriga wiilka lagu qabtay ayaa la sheegay inuu ahaa mid tira badan oo ganacsi kaasi oo ay shuraako ku ahaayeen wiilka rag reer Burco ah oo Maandooriyaha khamriga ka ganacsada balse waxa gacantiisa loogu yimi oo khamrigaas lagu qabtay Guuleed Maxamed Kaahin oo ah wiilka uu Mujaahid Maxamed Kaahin dhalay.

 

Haddaba malagu aamini karaa Maxamed Kaahin oo aan qoyskiisii iyo awlaadiisii toona war uhaynin falalka ay samaynayaa ee foosha xun inuu talada dalka qeyb ka noqodo Waa Maya Midhkaasi.

 

 

Axmed Faarax Xasan

Burco/Somaliland

Afarah@Gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews