berberatoday.com
Maxkamada Caalamiga Ah Ee Danbiyada ICC Oo Baryaysa Wadamo Afrikaana Oo Kabaxay Iyo Ruushka Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Baxay
November 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hague(Berberatoday.com)-Maxkamadda ku salaysan Hague ayaa arbacadii ka codsaday Gambia iyo saddexda dal ee Afrika oo dhawaan ku baaqay inay ka baxayaan maxkamadda ICC da inaysan ka tagin.0c44ee7a9856aa70375c

Maalintii isniinta ayaa Qaramada Midoobay xaqiijiyay in Gambia si rasmi ah uga baxi doonto ICC da bisha November ee sanadka soo socda

Waxaana jira warar sheegay in dalal badan ay ka bixi doonaan ka dib markii Burundi ay ku dhawaaqday bixitaanka oo ay daba raacday South Africa.

Saraakiisha ICC ayaa arbacadii u fadhiistay kulankoodii 15-aad ee Golaha Dowladaha si ay isku dayaan in la xaliyo arrimaha iyo in loo helo qaab lagu wajihi karo doodaha ay soo bandhigeen wadamada , taa oo mida ugu weyn ay tahay in ICC da diirada lagu saaro dalalka Afrika kaliya.

Laakiin waxay la kulmeen warar sheegaya in Ruushka uu sidoo kale ka baxayo maxkamadda.

Furitaanka kalfadhiga, Madaxweynaha ICC Sidiki Kaba ayaa sheegay in “dareenka xoogan ee ah cadaalad” darada dalalka Afrika xoogaa uu mugdi ku jiro.

Dacwad soo oogaha maxkamada ICC da Fatou Bensouda ayaa boggeeda Twitterka waxay ku tidhi “in ka bixitaanka maxkamada ay tahay dib u dhac weyn ee dadaalka wadajirka ah si loo gaaro nabad iyo dunida cadaalad ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews