Xoghayihii Maaliyadda Xisbigii Burburay Ee Ucid Uk Marwo Faysa Cawil Xasan Oo Iska Casishay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbigaas, Kuna Tilmaamtay Xisbi Saaxada Siyaasada Ka Baxay
November 17, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Gudoomiyihii Maliyadda qaaradda Yurub ee Xisbigii Burburay ee Ucid Marwo Faysa Cawil Xasan ayaa Iska Casishay Xilkii iyo xubinimadii Xisbigaas. Waxanay sheegtay Inay muddo dheer naawilaysay inuu Mar uun Xisbigaasi noqdo md majaraha u qabtaa hoggaaminta tallada dalka.
Waxa kaloo ay intaa raacisay Gudoomiyihii hore ee Maaliyadda Xisbiga Ucid Marwo Faysa Cawil Xasan inuu Xisbigaasi Musharrax aqoonyahan ah lahaa, hase yeeshee ay dagaal kala hor tageen shaqsiyaad ma Gudbayaal ahi. Dhinaca kale, Marwo Faysa Cawil Xasan Gudoomiyihii Maaliyadda ee Xisbiga Ucid Uk waxay soo dhoweysay wadahadaladda garabka xaqa ah ee Uu Hoggaamiyo Musharrax Jamaal Cali Xuseen la fureen labada Xisbi ee Waddani iyo Kulmiye, sidoo kale waxa ay Marwo Faysa Cawil Xasan Xisbigii Ucid ku tilmaamtay mid Mayd ah oo Dhintay, isla markaana aanu ahayn Xisbi ee uu yahay Dukaan Shaqsi leeyahay. Sidaasna Gudoomiyihii hore ee Maaliyadda Ucid Uk waxay ki sheegtay Qoraal Kooban oo ay soo Gaadhsiisay Shabakadda Warar ee Xogreebnews, kaasoo u dhigan sidan.
“ANIGA OO AH FAAISA CAWIL XASAN AHNA GUDOOMIYA MAALIYADA EE YURUB WAXAAN CAAWA OO AY BISHU TAHY 16/11/2016 HALKAN KU /////CADEEYNAYA INAAN XILKII IYO XUBINTI IYO TAAGERADIBA ISKA CASILY XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA UCID#### IYADOO IN BADAN AANU DUL FADHINAY XISBI MAYDA OO AANU DHAWRAYNY INA UU ISBEDEL DHABA KEENI KARO MUSHARAXA DADA YAR EE JAMAAL CAIL XUSEEN IMIKANA AY KU DHACDY CADAALAD DARO DHINAC KASTA WAXAAN SOO DHAWEEYNAYA WADA HADALADA U LA GALY XISBIYADA GARABKA JAMAAL CALI HUSEEN”.