Xoghayihii Uk Iyo Bristol Ee Kaambeynka Xisbigii Burburay Ee Ucid Eng. Faysal Cabdiraxmaan Oo Iska Casilay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbigaa…
November 17, 2016 - Written by Berbera Today
Bristol(Berberatoday,com)-Xoghayihii Kaambeynka ee Xisbigii Burburay ee Ucid qaaradda Yurub Eng. Faysal Cabdiraxmaan ayaa iska Casilay Xilkii iyo Xubinimadii xisbigaas. Eng. Faysal Cabdiraxmaan ayaa sidoo kalena ahaa Xoghayihii Magaladda Bristol ee Xisbigii Burburay ee Ucid, waxanu kamid ahaa shaqsiyaadka sida weyn u firfircoona ee Xisbigaas ka tirsanaa afartii sanadood ee u danbeeyey.
Eng. Faysal Cabdiraxmaan ayaa is casilaadiisa ku baahiyey Bartiisa “Facebook”. Kasoo soo dhigay qoraal aad u kooban oo uu kaga hadlaaya Is Casilaadiisa kasoo u dhigan Sidan.
“Anoo ahaa Xoghayaha Magaalada Bristol ee Xisbiga Ucid iyo Xoghayaha kaabaynka Ucid Uk waxaan maanta gabi ahaanba iska casilay xilkii iyo xubinimadii aan u hayey xisbiga Ucid’.
Si kastaba ha ahaatee, waxa ilaa habeenkii xalay isa soo taraayey masuuliyiinta qaaradda aduunka ee ka tirsanaa Xisbigii Burburay ee Ucid ee iska casilay Xisbigaa
Berberatoday.com