berberatoday.com
Xoghayihii Xidhiidhka Golayaasha Ee Xisbigii Burburay Ee Ucid Ismaacil Caanaha Riyaha Oo Iska Casilay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbigaa, Soona Dhoweeyey Wadahadallada Garabka Xaqu-diriirka Jamaal Cali Xuseen La Fureen Waddani Iyo Kulmiye
November 17, 2016 - Written by Berbera Today
caanaha-riyahaAddis sababa(Berberatoday.com)-Xoghayihii Xidhiidhka Golayaasha ee Xisbigii Burburay ee Ucid Ismaacil Axmed Caafi (Ismaacil Caanaha Riyaha) ayaa Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbigaas iska casilay. Kaddib Markii uu ka Khasaaray tacabkii uu geliyey Xisbigii Ucid, Sidoo kalena waxa Waxa uu sheegay inuu Xisbigaas kaga Khasaaray Hanti badan iyo waqtigiisii qaaliga ahaa. 
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu Khadka Telefoonka kula soo Xidhiidhay Shabakada Warar ee Xogreebnews isagoo Jooga Dalka Itoobiya gaar ahaana Magaaladda Addis sababa. Waxanu noo sheegay inuu Xisbigaasi burburay oo aanu maanta Jirin. Ugu horeyn Xoghayihii hore ee Xidhiidhka goloyaasha Xisbigii Burburay ee Ucid, Ismaacil Axmed Caafi waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Maanta oo ay Taarikhdu tahay 16/11/2016-ka waxan gabi ahaanba Iska Casilay Xilkii iyo Xubinimadii Xisbigii Burburay ee Ucid, kasoo Hanti iyo waqti badani naga galay. Hase-yeeshee waxa Nasiib daro weyn ah, Markii laga dhigay Dabakaayo Nin Leeyahay. Waxa xusid mudan Inuu Maanta mayd yahay oo aanu Xisbi la yidhaahdo Ucid, Ninka Sii Dul joogaya isagay Jirtaa, laakin Maanta laga bilaabo Waan Iska Casilay Maydka Lugaynaaye ee Xisbiga lagu sheegaayo”. Ayuu yidhi Xoghayihii hore ee Xidhiidhka golayaasha ee xisbigii Burburay ee Ucid Ismaacil Axmed Caafi oo ku magac dheer (Ismaacil Caanaha Riyaha).
Waxa kaloo uu intaa ku daray, inuu soo dhoweynaayo wadahadallada garabka xaqu diriirka ah ee Ucid ee uu Hoggaaminaayo Musharrax Jamaal Cali Xuseen ay la fureen labada Xisbi ee dalka ka jira ee Waddani iyo Kulmiye, waxanu sheegay inuu garabkaas la waddaago halka uu ku jiro mustaqbalka somaliland ee ay ku Biirayaan.
 
“Waxa la waddaa garabka xaqu diriirka ah ee uu Hoggaaminaayo Musharrax Jamaal Cali Xuseen wada hadallada ay la fureen Laba Xisbi ee keliya ee Dalka ka jira waa Waddani iyo Kulmiye, waxanan Soo dhoweynayaa talaabooyinkaa ay qaadeen garabka Jamaal Cali Xuseen oo ah Labeentii iyo Xisbigii Ucid Aqlabiyadiisii. Maadaama oo Faysal looga dhigay Meherad uu leeyahay ama Tukaan ka dhigtay Masiirkii Umadda”. ayuu hadalkiisa kusoo koobay Md. Ismaacil Caanaha Riyaha.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews