berberatoday.com
Cabsi Iyo Gaaf Wareegga Wehel U Noqdey Masuuliyiinta Xilalka Ka Haya Xukuumadda Siilaanyo Iyo Isku Shaandhintii Ugu Cuslayd Oo Miiska Saaran
November 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Inta Badan Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilalka ka haya ayaa

doorkan cabsi xooglihi soo food saartay kadib isku shaandhayntii la hadal hayay oo la sheegay inay ka soo dhamaatay dhinaca madaxweynaha islamarkaana ay u hadhay oo qudha baahintii,waxaanay sidoo kale Arintaasi saamayn ku yeelay Hawl maalmeedkii masuuliyiinta Hay’addaha dawlada oo ku mashquulsan Wardoon iyo Cabsi ay ka qabaan inay Seeftu galaafato.

Wargeyska Foore oo u kuurgalay arintani ayaa soo ogaaday in isku shaandhayntaasi oo ay dib u dhigtay abaarta iyo Qaylo dhaanta dhiilada leh ee ka soo yeedhay qaar ka mid ah Gobolada Bariga ay hadda diyaar tahay oo ay soo dhaaftay hubintii iyo wax ka badelkii,waxaanay sida la sheegay isku shaandhayntaasi ay noqonaysaa tii ugu balaadhnayd iyadoo wax badan ay ka khuseeyaan Xisbiga KUlMIYE,islamarkaana ay Madaxtooyaddu tixgalisay Codsiyo badan oo dhinaca Xisbiga uga yimid oo ku saabsan in ragga la keenayo loo eego wax tarista Ololaha Tartanka Madaxtinimada ee Fooda inagu soo haya,taasi oo ay Xukuumaddu Awooda saarayso sidii uu Xisbiga Kulmiye markale talada Dalka uu ugu guulaysan lahaa,waxaana socda dadaalo xoogan oo ay Xukuumaddu wado oo ay ku Xaqiijinayso arintaasi.

Dhinaca kale,Inta badan Masuuliyiinta Xukuumadda Xilalka haya ayaa todobaadkii ugu dambeeyay ku mashquulsan wax ogaanshiyaha isku shaandhayntaasi iyo inuu magacoodu ku jiro,isagoo mid waliba uu dhinaciisa uga shakisan yahay inay seeftu la tagto, maadaama oo doorkan uu Madaxweynuhu isku shaandhayntani ka shidaal qaadanayo,ama uu ku salaynayo dhinaca Danaha Xisbiga KULMIYE,Waxaana suurtagal ah in la keeno rag ololaha Doorashooyinka khibrad u leh,Reerkoodana Cod ka keeni kara.

Xafiisyada Wasaaraddaha qaarkood iyo Hay’addaha kale ee Dawlada ayaa haawanaya maalmahan,waxanay masuuliyiintii Xafiisyadaasi ka masuulka ahaa ku mashquulsan yihiin wax ka ogaanshiyaha isku shaandhaynta iyagoo sidoo kale olole ugu jira sidii ay isku dhaafin lahaayeen ee ay uga hortagi lahaayeen haddiiba ay wax ka ogaadaan in liiskaasi lagu soo daray.

Waxa ay qaarkood ku shangoor noqonayeen Madaxtooyadda si ay xog uga soo helaan. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu doorkan Masuuliyiin badan Shaqada ka caydhiyo halkii uu Isku Shaandhaymihii hore ubadin jiray Xilal Isku Badel ama isku shaandhayn,oo ay yaraan jireen masuuliyiinta Shaqada waayaa.

Rag Badan oo Xukuumadda iyo Xafiisyada Dawlada Caanka ah oo aad looga yaqaan oo loo yaqaan Mukhalasiin ayaa Xaami ku jiray todobaadkan oo lakala la’aa,waxaanay inta badan run noqotay Khaawisaadoodii hore,Waxa ay Raggaasi galaangal ku leeyihiin Xafiisyada Madaxtooyadda, iyagoo intooda badan ah Shaqaale dawladeed.

Sida Xogtani aanu ku helnay,raggani waxa ay lacag buuran oo Mukhalisnimo ah ka qaadaan Masuuliyiinta Cabsidu hayso ee sugi kari la’ Ku dhawaaqista isku shaandhaynta la hadal hayo,Waxaanay ugu bushaareeyaan kolba xogta ay ka hayaan Isku shaandhaynta,Magacyada ku jiray iyo halka ay wax soo marayaan,waxaana lagu jiraa wakhtigii lakala wayayay,Maadaama oo Isku shaadhayntani in badan la sii hadal hayay oo la saadaalinayay.

 

 

Source:- Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews