berberatoday.com
Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Mareykanka Donald Trump Oo Ku Dhawaaqay Inuu Mushaharkiisu Noqon Doono 1 Dollar
November 18, 2016 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Wuxuu ku xaqiijyey qorshihiisa mushaarka yar wareysi uu siiyey barnaamijka 60 daqiiqo ee telefishinka CBS._92433509_gettyimages-622166468

Inkastoo aannu ka warqabin inta madaxweynuhu qaato, Mr Trump wuxuu sheegay in uu u malaynayo in uu u baahan yahay in uu qaato 1 doolar.

Laakiin markii wariyihii wareysanayey [Ms Stahl] ay u sheegtay in mushaarku yahay 400 kun oo doolar, wuxuu yiri : “Maya, ma doonayo inaan qaato mushaarkaas. Ma qaadannayo”.

 

Madaxweynaha-la- doortay wuxuu ku joogaa balanqaadkii uu sameeyey intii uu ku jiray olallaha doorashada. Wuxuu u sheegay dad u soo baxay bishii September innaanu mushaarku “muhiimad aad u wayn” u lahayn isagga.

Hogaamiyayaal kale miyay iska dhaafeen mushaarkooda?

Mr Trump ma ahan hogaamiyihii ugu horreeyey ee Ameerikaana mushaarkiisa diidda inuu qaato. Herbert Hoover, oo hantidiisa ka sameeyey ganacsiga macdanta intii aannu qaban xafiiska iyo John F Kennedy, kaasi oo dhaxal u helay maalkiisa ayaa labaduba waxay diiddeen inay qaataan wax mushaar waxaynna ugu tabaruceen hay’addaha samafalka.

_92443341_kennedy2

Duqii hore Michael Bloomberg, gudoomiyihii hore ee gobolka California Arnold Schwarzenegger iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Massachusetts Mitt Romney ayaa sidoo diiday mushaarkooda qaaliga iyagoo ka dhigay mid yar.

Mark Zuckerberg oo ah aasaasaha Facebook’ waa qofka ugu mushaarka ugu yar shirkaddiisa, si la mid ah bilyineero iyo madax shirkaddo ayaa qaata mushaar 1 doolar ah. Sergey Brin & Larry Page oo ah aasaasayaasha Google ayaa sanooyin badan mushaarkooddu wuxuu ahaa 1 doolar.

Marka lagu daro mushaarka madaxweynaha Mareykanka ee 400,000 oo doolar, waxaa kale oo uu leeyahay 50 kun doolar oo canshuur ahaan sida xeerku uu qabo.

Marka la barbadhigo Ra’isalwasaaraha Canada wuxuu qaataa mushaar dhan 340,800 oo doolarka Canada ah.

Ra’saiwasaaraha Germany Angela Merkel waxay iyadu qaadataa $242 kun sanadkii, halka madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande uu helo sanadkii $198,700 sida uu BBC-du ka soo xigatay telefishinka CNN._92443342_may_reuters

Ra’isalwasaaraha UK Theresa May waxay mushaar ahaan u qaadataa earns $186,119 sanadkii.

Ra’isalwasaarihii hore ee David Camer ayaa xilligii uu xilka hayey wuxuu la kulmay dhaleecayn xoogan ka dib kordhintii mushaarkiisa 10%, sanadkii 2015-kii.

Donald Trump ma leeyahay il kale oo dhaqaale?

Haa, oo kuwa badan ayaa mar horeba baaritaan lagu sameeyey. Isuduwidda maaliyadda Mr Trump ayaa su’aallo hareeyeen ka dib markii uu ku dhawaaqay inuu saddex carruur ah oo uu dhalay, Donald Jr, Eric, iyo Ivanka – iyo Ivanka ninkeedii Jared Kushner, loo doortay in guddiga kala guurka.

Mr Trump loogama baahna inuu iibiyo hanti, taas oo lagu qiyaasay balaayiin waxaana uu sheegay inuu uga tagi doonno ganacsiga boqortooyadiisa aaminaad indho la’a oo caruurtiisu maamuli doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, kalsoonida muran ayaa ku jira ama waxay ku jirtaa gacanta cid la aaminsan yahay, taasi oo siinaysa caruurtiisa inay ku lug yeeshaan xilwareejita madaxweynennimo.

Ilaa iyo hadda, Mr Trump wuxuu diidan yahay inuu shaaciyo cashuurta uu sii daayo, mana cadda in hantidiisa dibadda ay saamaynayso xiriirka Mareykanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews