Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan Oo Noqday Hoggaamiyihii Ugu Horreeyay Oo La Kulma Donald Trump
November 18, 2016 - Written by Berbera Today
News York(Berberatoday.com)-Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa noqday hoggaamiyihii u horreeyay caalamka oo la kulma Donald Trump oo dhawaan loo doortay madaxweynaha dalka Mareykanka.

Shinzo Abe, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xiriir is-aaminaad leh uu la yeelan karo Madaxweyne Trump, waxaana kulanka labadan mas’uul uu ka dhacay guriga uu Trump ku leeyahay magaalada New York ee Mareykanka.