Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Kulan Kula Qaatay Dalka Sweden Xildhibaano U Ololeeya Sidii Somaliland Aqoonsi Caalamiya Uheli Lahayd Iyo Waxyaabaha Lagaga Wada Hadlay
November 18, 2016 - Written by Berbera Today
Jönköping(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Omar Shuceyb Mohamed ayaa kulan qiimo badan la qaatay Xildhibaan ka tirsan dalka Sweden oo ku hawlan sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi caalamiya waxana si qoto dheer oo cilmiyeysan ugu sheegay sida ay Somaliland oo la aqoonsadaa ay wax wayn uga bedeli lahayd xalada geeska afrika, waxa kale oo ay isla qaadaa dhigeen sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noqononaya ee dalka Somaliland, Xildhibaan Magnus Oscarsson oo ah khabiir ku xeel dheer arimaha quudinta xoolaha, waxa uu wasiirku ku casuumaya in uu dalka Yimaado xildhibaanka iyo khabiiro ku xeel dheer sida qoraxda iyo dabaysa looga dhaliyo tamar, si ay taasi u sahasho in dalku yeesho koronto jaban.
Taas oo uu xildhibaanku ka guddoomay casuumadaas waxana uu isla goobtii ku balan qaaday in uu dalka iman doono haddii Alle idmo, sannadka danbe bisha kowaad, Xildhibaan Magnus waxa uu sidoo kale ugu balan qaaday wasiirka in uu motionka uu hadda hayo ee aqoonsiga Somaliland ugu samayn lahaa saaxiibo ka mid ah golaha wakiilada ee Sweden, waxana uu hoosta ka xariiqay in caalamku uu hagraday Somaliland iminka ay tahay xiligii idhaha caalamku ay eegi lahaayeen dalka Somaliland oo wax qabsaday iyaga oo aan gacan buuran ka helin beesha caalamka, waxana uu halkaas hanbalyo ugu soo jeediyey Mikael Tortersson iyo Hussain Wadadyare oo uu ku amaanay sida ay qadiyada Somaliland uga dhaadhicinayaa dalkan Sweden.