berberatoday.com
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Oo Kulan Kula Qaatay Dalka Sweden Xildhibaano U Ololeeya Sidii Somaliland Aqoonsi Caalamiya Uheli Lahayd Iyo Waxyaabaha Lagaga Wada Hadlay
November 18, 2016 - Written by Berbera Today
sha1Jönköping(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Omar Shuceyb Mohamed ayaa kulan qiimo badan la qaatay Xildhibaan ka tirsan dalka Sweden oo  ku hawlan sidii Somaliland ay u heli lahayd aqoonsi caalamiya waxana si qoto dheer oo cilmiyeysan ugu sheegay sida ay Somaliland oo la aqoonsadaa ay wax wayn uga bedeli lahayd xalada geeska afrika, waxa kale oo ay isla qaadaa dhigeen sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noqononaya ee dalka Somaliland, Xildhibaan Magnus Oscarsson oo ah khabiir ku xeel dheer arimaha quudinta xoolaha, waxa uu wasiirku ku casuumaya  in uu dalka Yimaado xildhibaanka iyo khabiiro ku xeel dheer sida qoraxda iyo dabaysa  looga dhaliyo tamar, si ay taasi u sahasho in dalku yeesho koronto jaban.

Taas oo uu xildhibaanku ka guddoomay casuumadaas waxana uu isla goobtii ku balan qaaday  in uu dalka iman doono haddii Alle idmo, sannadka danbe bisha kowaad, Xildhibaan Magnus waxa uu sidoo kale ugu balan qaaday wasiirka in uu motionka uu hadda hayo ee aqoonsiga Somaliland ugu samayn lahaa saaxiibo ka mid ah golaha wakiilada ee Sweden, waxana uu hoosta ka xariiqay in caalamku uu hagraday Somaliland iminka ay tahay xiligii idhaha caalamku ay eegi lahaayeen dalka Somaliland  oo wax qabsaday iyaga oo aan gacan buuran ka helin beesha caalamka, waxana uu halkaas hanbalyo ugu soo jeediyey Mikael Tortersson iyo Hussain Wadadyare oo uu ku amaanay sida ay qadiyada Somaliland uga dhaadhicinayaa dalkan Sweden.

Shirkaas oo uu goobjoog ka ahaa Mikael oo ah ergayga gaarka ah ee wasiirka arimaha debeda u qaabilsan qaarada Europé iyo sidoo kale Hussein Wadadyare oo ah ku xigeenka dalada guud ee Sweden. Mikael waxa uu aad ugu dheeraaday sida Somaliland ay u buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal. Kulanakaas oo ka dhacay 17/11-2016 qolka shirarka ee Hotelka Större ee Magaalada Jönköping qaatayna muddo laba saacadood ah waxa uu kusoo afmeeray is af-garad , wasiirkuna wuxuu ka mahad celiyey sida  fiican ee loogu soo dhoweeyay dalka Sweden

sha2

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews