berberatoday.com
Wasiirka Maaliyadda oo Gurmad Gaadhsiisay Goboladda Togdheer, Buuhoodle Iyo Saraar, Warbaahinta Ku Amaantay Doorka Ay Ka Qaateen Baahinta Xaaladda Abaareed Ee Dalka Ka Taagan (Sawiro)
November 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa warbaahinta muxaliga ah ee Somaliland ku bogaadisay doorka ay ka qaadatay dedaalada loogu jiro sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ay abaartu ku haleeshay  deegaanada barri, waxaanay tibaaxday inay saxaafadu soo bandhigtay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta deegaanadaasi.
Marwo Samsam ayaa sidaasi ka sheegtay mar ay shalay deegaano ka tirsan gobolka Saraar gaadhsiisay deeq  biyo, raashin, dawooyin, timir, kaluun, caano iyo bustayaal iskugu jira oo loogu talo-galay samata-bixinta dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

samsamWasiir Samsam waxa ay sheegtay inaanay ka xukuumad ahaan waxba

kala hadhi doonin waxkasta oo suurta-gal ah oo lagula tacaalayo abaaraha baahsan ee dalka ka jira, taas oo tilmaamtay inuu madaxwaynuhu amar ku bixiyey in degdeg gargaar loola gaadho dadkaasi.

samsam2Mucaawinadan oo iskugu jirtay noocyo kala duwan ayaa loogu talo-galay 400 qoys, taas oo  waftiga wasiirka maaliyadu hogaaminayso ee todobaadkanba iskaga gaalaa-bixinayey goboladda Togdheer, Buuhoodle iyo Saraar ay gaadhsiiyeen dadka ku nool tuulooyinka Balayga Didible, Fardo-lagu-doox,Ceegaago iyo qaybtii u danbaysay oo iyaga lagu wareejiyey guddida taakulaynta abaaraha ee gobolka Saraar.

samsam3
Waftigan ay hogaaminayso wasiirka maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay qayb ka ahaayeen badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, badhasaabka Saraar, madaxa hay’adda samo-falka dawladda marwo Aamiina Maxamuud Diriiye, guddida taakulaynta abaaraha ee gobolka Saraar iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda deeganadaasi ayaa dhamaantood uga mahadnaqay xukuumadda Somaliland ee deeqdaasi soo gaadhsiisay.

Sidoo kale waxa qayb ka ahaa waftigan wasiirka maaliyadu horkacaysay koox dhakhaatiir ah, kuwaas oo iyagu si mu-tadawac-nimo ah ugu adeegayey dadka abaaruhu soo baro-kiciyeen, isla markaana halkaasi ku daweeyey boqolaal ka mid ah dadkaasi.
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay badhasaabka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, kaas oo wasiirka maaliyadda ku amaanay doorka firfircoon ee ay ka qaadanayso sidii loo samato-bixin lahaa dadka reer Somaliland ee ay haleeshay abaarta barriga dalka ka dhacday, waxaanu Mr Qabo xusay inay marwo Samsam Cabdi Aadan  tahay wasiir ka tilmaaman golaha xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews