Daawo Muuqalka”Kacdoono Shacbi Oo Ku Aadan Fashilka Golaha Deegaanka Hargeysa oo Ka Istaadhmay Caasimadda Iyo Dadwayne Eedaymo U Jeediyay Maayarka
November 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa maalmihii u dambeeyay magaaladda hargeysa aad looga dareemay kacdoono dhinaca shacabka caasimadda ah kuwaasoo ka qaylinaya fashilka foosha xun ee la soo darsay golihii deegaanka hargeysa iyo masuuliyiintooda kuwaasoo noqday hal bacaad lagu lisay
dadwaynaha oo ku kala dhaqan qaybaha kala duwan ee caasimadda ayaa todobaadkii u dambeeyay warbaahinta la soo fadhiyay cabasho ay ka muujinayaan masuuliyiinta golaha deegaanka oo noqday kuwo ku fashilmay shaqadii loo igmaday
waxaanay dadwaynahaasi baaqyo kala duwan u dirayeen madaxwaynaha iyo xukuumadiisa kuwaas oo ay ka dalbanayeen inay talaabo ka qaadaan golaha deegaanka caasimadda oo fadhiid noqday
duqa caasimadda iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ayaa labadooduba noqdeen masuuliyiin ka gaabiyay ka shaqaynta hawlaha loo igmaday
ayaan darro se xukuumadda madaxwayne siilaanyo oo iyadu ahayd xukuumaddi la xisaabtami lahayd masuuliyiintan ayaa doorkeedi meesha ka maqanyahay