berberatoday.com
Dhambaal Toosin iyo Dhaliil is xamabaarsan kuna socda madaxweynah iyo Hayyadah Wadooyinka iyo dawladah hoose W/Q Nim’aan Adaani Husein
November 19, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa arrin laga naxxo ah isla markaan dhaliishiisa  mudan in loo tilmaamo dhamaan waaxayahay iyo hawal wadeenada ayy khusseyso ee ku shaqo leh arrimah wadooyinka iyo jidadaka waddanka hadday tahay xafiiska madaxweynah, hayyada wadooyinka RDA, wassarada hawlah guud gaadiidka iyo gureynanta, Dawlda hoose ee Hargiesa iyo dhamaan waxayah ku shaqo leh.

Waxa mudan ama wakhitgeed  jooga ina la shaaciyo ama la sheego dhaliilaha Tusaale ahaan waxaynu ku jirnaa wakhti Abaareed dhibaato ayy haysto Qeybo badan oo ka mid ah bulshada somaliland, hadan waan ka maarmi waayay waayo markii aan arkay maalin hore markii la soo gebo gabeeyay koobakii gobalada  ee kubada cagta ee somaliland Taas oo madaxweynah oo maray jid ka mida ah jidadka magaalda Hargiesa kas oo ah jidka isku xidha garoonka kubada cagat ee Hargiesa istaadyom ‘’stadium’’  ka caasimada iyo dariiqa madaxtooyada.

Akhristow waxa marwalab lagu soo celceliyaa in Waxa badan xukumada somaliland ka qabatay dhinacyada waxa qabadka ee wadooyinka dhinaca jidadka isku xidhkooda, haddaba waxa muhiima ah in wadooyinku yihiin laf dhabarta dhaqan Dhaqaale ee umadi leedahay sida aynu ka war hayno dariiqyo badan oo dawladu ka shaqeysay way jiraan Qaar hadhasnin way jiraan Qaar la dhamaystirayan way jiraan.

Haddab qoralkan waxa igu dhaliyaya goos-goos iyo Godad iyo daldalool iyo dayactir la’aan  badan oo ku yimid waddo ama jidd ka mid ah jidadka lagama maarmaannka ah ee magaalda Hargiesa leedahy kaas oo ah midd uu  madaxweynaha Qaranka somaliland isticmaalo oo uu maro bishii ama weeke ama maalinleba hadab sidii uu hawlmaalmeedkiisa shaqo ula soo maro laakiin ilaa hadda madxwenah somaliland goos gooska ama gododka wadadaasi leedahay muu dareemin manay damqin Hantaaqada waxaan hubaal ah in hawlah shaqo ee madaxweynah ku gadaamani ayy uu sabab noqdeen ama uu saamaxi waayen Ama Hawalah Qarankoo ku Badan awgii uu ka jeestay.

Kuma dhaliilayo kuma tilaamayo inuu madaxweyanhu Gabbay Ahmiyada jidkaas lakiin se Hawlaha Qaran oo Farro badan awgeed ayaan uu nisbayn karaa ama uu

Maxaa ka indho saabay ama ka qarriyay ama ka daboolaya xubanah dawaliga iyo cidkasta oo ayy khusseyso Marista dariiqani ismla markaan miyaanuu jidkan Ahmiyada iyo muhiimada uu lahayan Qaranaka?

Waa su’aal furan oo isweydiintood leh.

Haddab wadadaasi  Ama Jidkaasi waa waddo halbowle uu ah dhamaan waxaayahay iyo degmooyinka ayy ka koobanatahy caasimada hargiesa Tusaale waxay isku xidhaa Dhamaan goobaha shaqaale sida wassardah iyo xarumha kale ee dawliga ah ee dawlda ku shaqayeso Tusaale wadadaasi waxay uu dhaxeysaa sedex wasaaradood oo muhiim uu ah shaqad Qaranka.

Waxan kal yihiin wasaarda gaashandhiga kaluumaysiga iyo kheyraadka badah iyo hawlah guud iyo gureynta iyo gaadiidka dugsig farsamda gacanta ee Hargiesa iyo goobo kale oo aas aasi ah

Dhanka kale waxay isku xidhaa Qasriga madaxtooyada iyo madaardka calaamiga ah ee Cigaal Dhanka kale waxa marra ama adeegsada Hayyao badan oo caalami ah iyo NGO badan oo caalami ah iyo Kuwo maxali ah.

Haddab akhristow side loo tayayn karaa jidadkas halbowlah ah  iyo kuwa kale ee aanan qoraalkaygu ku xusin .

Afeef:

Qoraalkaygan ama Qormadaydan waxa igu dhaliyay ama ii dareensiiyay inaan Qoro waa ka damqashda ama damiirkayga caafimadka qabba oo iga dareen siiyay dariiqaasi ama jidkaasa halbowlah ah inuu darnyo iyo diif qabbo isla markaan uu dayac tir tebayo mudan yahay in la dayac tiro,

Kuma dhaliilayo xubanah aan kor ku soo xusay hawlkarnimo  hawl gudasho la’aan shaqo xumo laakin se waxaan tilamaami lahaa in uu mudanyahy dariiqasi ila dayca tiro maadama goobo muhiim ah oo udub dhexaad  ah uu xidhidhiyo Tusaale ahaan  Biriishaka Labaad ee magaalda Hargiesa isku xidha (Biriish liic liic) jaamacda caalamiga ah ee Hargiesa university iyo Wassarada Hawlah guud gureynta iyo gaadiidka Madaarka caalamiga ah iyo Hosbitaalka caalmiga ee hooyada iyo dhalaanka ee Edna aden hospital Dhanka kale jaamacad Edna adan university iyo Dhamaan jiadadka Hayyadah caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee degan degmooyinka Ahmed dhagah iyo maxamuud hayebe iyo degmada Kow iyo sodanka may

La soco qayebta Danbe

Qalinkii: Nim’aan Adaani Husein

 Bachelor science of public health 

E-mail Cadaani123@gmail.com

Hargiesa Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews