Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay in Gaadiidka Qaaliga ah ee ay wataan Masuuliyiinta Dawladdu uu mid walba u dhigmo Ceel Biyo ah, “Laanguruusallada Qiimahoodu $ 80 kun ee dollar lagu sheego ee ay wataan kuwa Madaxda inoo ah ee boqollaalka kor u dhaafay oo keliya ayaa waxay xidhayaan ugu yaraan Shan kun oo Ceel oo Lixda Gobol ee Somaliland laga sameeyo. Waxaanu odhan lahayn aanu idin siino Baabuur yaryar ee Mid wallowba iska keen aanu Ceel (ku qodnee), Waayo? Meelaha ugu dheer Somaliland (biyo Soo saarka) qiimaha Riiggu (Ku qodayaa) waa 70 kun.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Macnaheedu waxa weeyaan Nolosha aynu ku nool nahay maaha Nolol aynu ugu talo-galnay inaynu ku bedbaadino dadkeenna Miyiga oo aynu qorshe Cad ka leenahay.
Ninku isagoo Lix bilood joogay (Hayey Xilka) ayuu Guriga ugu weyn dhisanayaa, isagoo Sannad joogay (Xilka) ayuu intaas oo guri samaysanayaa, markaa waa Dabaqaad aynu innagu samaynay, ee maaha kuwa ILAAHAY nolosha ugu talo-galay ee lagu tartamayey, kuwaasina waa kuwa keenaya inkaaraha iyo Abaaraha.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in aan Abaarta la diidanayn oo ay tahay wax Alle keenay, laakiin ay jirto qorshe la’aan, “Abaaraha lama diidana oo waxay ka mid tahay Imtixaanaadka Adduunyada, ee waxaynu diiddanahay kala noolaanshaha (Dabaqadaha Nololeed ee Shacabka), waxaynu diiddanahay Qorshe la’aanta, in Hantida Ummadda inyari ku noolaato ayaynu diiddanahay, in Dadkeenn iyo Xoolahoodii dhintaan baynu diiddan nahay innaga awoodi kareyna inaynu ku bedbaadino Hantida ILAAHAY ina siiyey.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ku taliyey, “Taladayadu waxay tahay oo aanu Xukuumadda leenahay u yeedha Dadka Aqoonta u leh waxaynu ka hadlayno oo biyaha-roobka hala xidho Miisaaniyaddeennu waa 300 Milyan’e. waa in Galbeed illaa Bari dhaamamka la xidhaa, si aan haddana 9 bilood ka dib Galbeed looga qaylin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Biyo la’aani ma jirto ee waxa jira qorshe la’aan, Talo-xumo iyo Maamul-xumo.”