Maraykanka Oo Cuno Qabateen Ku Soo Rogay Dal Ka Mid Dalalka Qaarada Africa Iyo Ruushka Oo Ganafka Ku Dhuftey
November 19, 2016 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Maraykanka ayaa taageero u muujiyay hadal ka soo yeedhay la taliyaha
Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagidda xasuuqa oo ku baaqay in cunaqabatayn dhinaca hubka ah la saaro Suudaanta Koonfureed.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan hawlaha Qaramada Midoobay, Samantha Power ayaa sheegtay in dalka uu qarka u saaran yahay in uu dib ugu noqdo dagaal sokeeye, loona baahan yahay in hadda la qaado tallaabo deg deg ah.