berberatoday.com
Mayarka Degmada Berbera Oo Kulan Qado Sharaf Ah U Sameeyey Musharax Muuse Biixi Cabdi Iyo Siyaasi Cabdicasiis Samaale Oo Loolanka Siyaasadeed Ee Kulmiye Kale Irdheeyey,Balse Wacyigu Isu Keenay
November 19, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Golaha Degaanka Degmada Berbera C.shakuur Ciddin Ayaa markii ugu Horeysay Qado Sharaf ku Maamuusey Laba Masuul oo Siyaasada Kulmiye ku kale Irdhoobey balse Marlabaad ay Mideysay Siyaasada iyo Wacdiga ay Somaliland Gashey.

samaale-iyo-muuse-biixi

Kulankan qadadda Ah oo ka Dhacey Hotel Maansoor ee Berbera ayaa waxa kasoo qayb galey Dhamaan Masuliyiinta iyo Xubno kamida Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil, Xildhibaano katirsan Golaha Degaanka Berbera Iyo Xoghayaha Maamulka Dawlada Hoose ee Berbera.

Kulankan qadadda ee Mayarka Degmada Berbera Mudane cabdishakuur Maxamud Xasan(Cidin) uu u Sameeyey Saxiibadan Siyaasada Kulmiye ku kale Irdhoobey Waa Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale Ayaa Siweyn u Ruxey Quluubta Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo siweyn uga Dhirsugayey Safarka Labadan Masuul ay ku Imanayaan Magaalada berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Labadan Masuul oo Hore Xisbiga Kulmiye ugu Loolamey Murashaxnimadiisa ayaa Kamid ahaa weftiga Madaxweynaha Somaliland Ee Hargeysa Kasoo kici timey , kuwaasi oo ku sii jeeda dhinaca Gobolada bariga Somaliland oo Abaaro ba’ani Sameyeen,islamarkaasina ay ugu kuurgalayaan Xaalada Abaareed ee ay ku sugan yihiin Dadka iyo duunyaduba.

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiintan waa Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Muuse Biixi Cabdi Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Ayaa kulan kan qadada ah ee ay maanta kuwado qateen magaalada Berbera waxa siweyn looga dheehanayey Islaab-xaadhasho iyo laab furnaan siyasadeed oo u muuqda inay dhinac u wado jedaan, lana filayo inay Mar labaad Dagaalka Dhismaha iyo Guusha Kulmiye ay u Midoobaan.

Waxaana sidoo kale Wararka Shabakada Berberatoday.com helaysaa ay Tibaxayaan in Cabdicasiis Maxamed Samaale dhawaan lagu soo dari doono Isku shaandheynta la filayo inuu Madaxweyne Silaanyo Sameyn doono, taas oo la filayo in loo Magacaabo Wasaarada ugu Tunka Weyn Wasaaradaha Xukumada Somaliland si markaasi uu hormood uga noqdo, Ololaha Xisbiga Kulmiye Mar labaad doonayo inuu Hogaanka Dalka ku Fuulo.

muuse-iyo-samaale muuse-iyo-samaale3

m-samaale m-samaale3

muuse-iyo-samaale9

Berberatoday.net/Com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews