SIR-CULUS”Wasiir Sacad Cali Shire Oo Dalka Denmarka Ku Saxeexay Mashruuc Kalluumaysi Oo Lagu Xaalufinaayo Badda Somaliland+Ururo Iyo Shakhsiyaad Aaminsan Fikirka Soomaliweyn Oo Fulin Doona Mashrucaasi Iyo Saamiga Uu Ku Lee Yahay.
November 19, 2016 - Written by Berbera Today
Denmark(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, ayaa shir qarsoodi ah oo uu dalka Denmark kula galay xubno ka soo jeeda dalkaasi Somaliya iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dawladda Denmarka, waxa uu ku soo saxeexay mashruuc Kalluumaysi oo lagu xaalufinaayo badda Somaliland, kaasi oo sida la sheegay ku kacaaya lacag gaadhaysa 20 Milyan oo Dollar.
