WADDANI Oo Sas Ka Qaaday Mawjadihii Soo Dhaweynta Ahaa Ee Garabka Toosinta Loogu Muujiyey Borama Iyo Kulamo Qarsoodi Ah Oo Kaadirka Xisbigu Maanta U Ballansan Yahay
November 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa fir-ka-nax iyo fajac fadhiga u diiday ka qaaday mawjadihii dadweynaha ahaa ee magaalada Borama kusoo dhaweeyey garabka toosinta iyo caddaaladda ee uu hoggaamiyO Axmed Muumin Seed, waxana ay maanta u ballansan yihiin shir qarsoodi ah oo hoggaanka xisbigaasi wax isagag weydiinayo farriintii reer Boorama soo direen.
Sida ay sheegayaan xogaha arrintan la xidhiidha ee uu helayo wargeyska Hubaal, waxa xalay iyo shalay xisbiga dhexdiisa ka socday sawaxan iyo qaylo ku saabsan soo dhaweyntii Borama iyo weliba hadalladii gegida Xaaji Daahir ay ka jeediyeen madaxda garagka caddaaladda iyo Toosintu, waxana, iyada oo weliba kaadirka xisbigu si gaar ah u guntaday hadalkii Suldaan Dhawal halkaas ka jeediyey ee uu ku sheegay in taageerayaasha garabkaasi dhawaan meel ay ku midaysan yihiin ka hillaaci doonaan.