berberatoday.com
XERO-AWR: Dhallinyaro Gelalafey Meherad Askartii Ilaalinaysay Hor Fadhiyaan
November 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa soo kordhaya Rabshadaha Dhallinyarada Xaafadaha Hargeysa qaarkood ka geystaan Suuqyada Magaalada.

Dhallinyaradan oo koox koox isku raaca ayaa Xilliyada Habeenkii meelaha qaarkood ka geysta Dhac ay kula kacaan Dadka u socda keli kelida iyo Meheradaha Dadka koobani hayaan, taasina waxay saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa Dadka ee Habeenkii, maaddaama oo Xaafadaha qaarkood Qofka keligii socdaa uu khatar ugu jiro in Dhallinyarada Koox kooxda u wada socdaa dhibaateeyaan isla-markaana xoog kaga qaadaan wixii sito sida telefoonnada Gacanta iyo Koombiyuutarrada.

Rabshaddii u dambeysay ee Dhallinyaradu ka geystaan Magaalada Hargeysa, ayaa waxay Xalay ku gelalafeen Meherad ku taalla Xaafadda Xero-Awr ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Agagaarka dhismaha loo yaqaanno (Hargeisa Bussines Center).

Meheraddan oo Magaceedu yahay TURKISH NEW STYLE isla-markaana Meherad lagu iibiyo dharka iyo Alaabooyin kale, ayaa waxa Xalay Weerarray Dhallinyaro gaadhaya Tobaneeyo, waxayna burburiyeen inta badan alaabtii Meheradda taallay, Marfashkii Alaabta la saaro oo muraayado ka samaysnaa.

Mid ka  mid ah Shaqaalaha Meheraddan la Gelalafay oo dhibaatada Meheraddooda soo gaadhay uga warramay Weriye ka mid ah Wargeyska HIMILO oo la kulmay Xalay, ayaa sheegay in dhalinyaradu ay habeen hore Meheradda ugu yimaaddeen isla-markaana u sheegeen inay doonayaan in qaarkood laga shaqaaleysiiyo, laakiin markii ay u sheegeen inay Nidaamka saxa ah soo maraan, ay Xalay ahaan soo weerarreen, dhagaxna kala daaleen Meheradda.

Wiilka dhallinyarada ah ee Himilo uga warramay dhibaatada loo geystay Meheraddan, ayaa sheegay in markii koowaad ee ay Shiidka ku bilaabeen dhallinyarada Saldhigga Booliiska laga soo raaciyey Laba Askari, laakiin Xaaladdu ka sii dartay Markay Labadii Askari Meheradda hor-fadhiisteen, illaa Askartii meherad kale isku soo xidhaan, si ay uga badbaadaan Shiidka Dhallinyaradu ku soo weerarreen Meheradda ay doonayeen in xoogga lagaga shaqaaleysiiyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay in Booliisku ay falkan u soo xidheen Haweenay uu Wiilkani sheegay inay dhashay mid ka mid ah Dhallinyarada rabshadda sameeyay, laakiin ay u sheegeen in aanay Xalay ahaan u soo qaban karin dhallinyarada Meheradda burburiyey.

Falalka noocan ah ee dhallinyaradu ku kacdo ayaan ku koobnayn Xaafadda Xero-awr oo keliya, laakiin waxay dhallinyaradu rabshadaha noocan oo kale ah ka geystaan Xaafadaha kale ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews