Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Maareeye Ku-Xigeenkii Telifiishanka Qaranka Somaliland Oo Moqdisho Ka Dagay
November 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maareeye ku-xigeenkii telefishanka qaranka Somaliland Mustafe Maxamuud Qodax ayaa ka degay magaaladda Muqidho ee dalka Somalia, halkaas oo la sheegay in ay uga yeedheen maasmulka xamar oo xilal u ballan qaaday.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, ayaa sheegay in uu u sheegay markii uu hargeysa ka baxayey in uu jabuuti u tegayo aroos, balse loo sheegay in uu magaaladda Muqdisho tegay wax war ah oo intaasi dhaafsanna aanu ka helin.