berberatoday.com
Maareeye-xigeenkii Telefishanka Qaranka Somaliland Ee Muqisho Ugoostay Oo Isagoo Muqdisho Jooga Ka Waramay Sababta Uu Somaliya U Tagay Iyo Xilka Uu Doonayo Inuu Qabto
November 20, 2016 - Written by Berbera Today

qodaxHargeysa(Berberatoday.com)-Maareeye-xigeenkii telefishanka qaranka Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Qodax, ayaa ka degay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, isagoo haya xilkii.

 

Mustafe Qodax, oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xaqiijiyay inuu Muqdisho u tagay ka mid noqoshada baarlamaanka Somaliya, gaar ahaan aqalka sare, “Haa, waxaan joogaa Muqdisho oo aan tagay, waxaanan galayaa aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya. Somaliland waan u maqanahay oo halkaas ayaan uga soo shaqaynayaa, waayo Somaliland wax badan ayay u baahantahay inay halkan [Somaliya] ka qabato.” ayuu yidhi Mustafe Qodax oo u waramay geeska Afrika, isagoo intaas raaciyay, “Waxaan halkan mahadcelin uga dirayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo aanu wakhtigii KULMIYE iyo imika oo uu madaxweynaha Somaliland yahayba soo wada shaqaynay.”

Mustafe Qodax, ayaa xamar tagay isagoo aan iska casilin xilkii uu hayay ee maareeye-xigeenka telefishanka qaranka, waxaanu hore xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga soo qabtay jagada agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, isagoo ka mid ahaa dhallinyaradii wax baratay ee la jaan qaaday xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wuxuu noqonayaa masuulkii saddexaad ee ka tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dega Somaliya. Agaasimihii guud ee wasaaradda maaliyadda Mr. Jaamac-oday iyo garyaqaankii guud ee qaranka Ibraahim Iidle, ayaa hore ugu biiray dawladda Somaliya.

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews