berberatoday.com
Muwaadin Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Maalintii Shanaad U Xidhan Safaarada Itoobiya Ee Somaliland Iyo Sababta Ka Dambaysa Xadhigiisa.
November 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mid ka mid ah hawl wadeenada Wasaaradda Maaliyada Somaliland ayaa maalintii shanaad xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa ugu xidhan safaarada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Hargeysa.

Muwaadinka oo lagu magacaabaa C/qaadir Xusseen Yoonis kana hawl galaayay xafiiska Waaxda Cashuuraha ee Bariga ee Hargeysa ayaa waxa xadhiisu uu ka dambeeyey ka dib markii uu sharciga Wado marista waydiiyey mid ka mid ah Saraakiisha Safaarada Itoobiya ee Magaalada Hargeysa kana soo jeeda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya oo laguna magacaabo Xusseen,

freee

Inkasta oo sida Wararka u ku helayo Hangoolnews uu sharciga Wadista gaadiidku u dhamaystirnaa sarkaalka hadana waxa dhex maray is afdhaaf taasi oo keentay in gaadhiga uu watay Sarkaalkani Itoobiyaanka ah lagu xidho Gaydhka xafiiska Waaxda Cashuuraha Bariga ee ka soo hor jeeda Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo sida caadiga ah lagu kala saaro gaadiidka sharciga leh iyo kuwa aan lahayn.

Balse waxa la sii daayay waxogaa ka dib markii ay saraakiisha waaxda cashuuraha Barriga ee xafiiskaasi ogaadeen in uu ka mid yahay hawl wadeenada safaarada itoobiya ee ku taala Somaliland,

Waxaana markii lasii daayey sarkaal kaasi wax yar ka dib soo gaadhay Xafiiska Waaxda cashuuraha Bariga ee ka soo hor jeeda cusbitaalka guud ee Hargeysa taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo su,aalo badan oo u waydiiyey shaqaalaha xafiiskaasi ka dib gaadhigiisa ku ritey C/qaadir Xusseen Yoonis oo ahaa shaqsigii sharciga waydiiyey Sarkaalka ka tirsanaa safaarada itoobiya ee Somaliland,

Waxaanu taliye ku xigeenka ciidanka Boolisku uu geeyey saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo habeenkii shanaad uu ilaa iyo haatan ku xidhan yahay muwaadinkaasi gudanaayey waajibaadkiisii shaqo ee u u hayay qaranka Somaliland.

Wasaaradda maaliyada Somaliland ayaan wali arintani ka hadal lagula kacay muwaadinkaasi,

Maaha markii ugu horeysay ee falal noocan oo kale ah ay ka dhacaan Somaliland balse waxa soo noq noqda dhacdooyinka noocan oo kale kuwaasi oo qaar ka mid ah shaqaalaha dawlad ee waajibkooda gudanaya mararka ay wadiiyaan Madaxda Dawlada ama cid kale oo hawlo kale dalka u jooga waxa aallaaba daalac loo raaca shaqsiga muwaadinka ah oo xariyadiisa ku waaya Maxaad Hebel Sharciga u marisay.

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews