berberatoday.com
Shirkad Gaadiidka Samaysa Oo Lagu Magacaabo Sino Truck Oo Xarun Weyn Ka Furtay Hargeysa Iyo Bulshada Reer Somaliland Oo ka Faa,iidaysan Doona
November 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Magalada Hargeysa waxa uu hishiis wada shaqayneed ku dhexmaray labada shirkadood ee Toyota S3, iyo Shirkad kale oo lagu magacaabo Sino Truck, kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Shirkada Toyota s3, waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta labada shirkadood oo isugu jira muwadinin reer Somaliland ah iyo Chines.
Shirkada Sino Truck, oo ah Company, Caalamiya oo ka ganacsada gaadiidka Xamuulka ah ayaa markii u horaysay xarun ka furanayaa Somaliland iyada oo ay wakiil ka tahay shirkada kale ee Gaadiidka Toyota S3, qaybteeda Somaliland.
Ugu horayntiina waxa kulankaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Qaarada Africa ee Sino Truck Mr Ni, iyo Madaxa Iibka ee Africa Mr Teo, waxanay sheegeen in Shirkadoodu tahay mid heer Caalamiya Sanadihii u danbeeyayna si wayn kor ugu qaaday Suqeeda Africa , iyada oo wadamada ugu badan ku leh Xarumo halka ay kuwa kalena ku leeyhiin wakiilo iyaga metala.
Guddoomiyaha Sino Truck ee Africa Mr Ni, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa hadaladisii
” Shirkadayadu waa mid caalamiya xaruma badana ka furatay Africa, waxa aanu kaga duwanahay shirkadaha kale waa shaqadii lagaga qabanayay wakalada debeda oo aad mid walba ka helayso xarunteeda iyada oo baaburta aad u dirsataana ay si toosa kugu bimanayaan waxanay kugu adeegaysa qimaha ugu macquulsan, fariinta aan Somaliland shacabkeeda u dirayana waa in aanu u balan qaadno adeeg dhamaystiran oo ay ka helayaan xaruntayada halkan oo ay wakiil noga tahay shirkada Toyota S3” ayuu yidhi Mr Ni.
Geestiisana Guddoomiyaha Shirkada Toyota S3, ee Somaliland Cismaan Axmed Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadani wax wayan ka tari doonto gaadiid cusub oo la helo halka markii hore ganacsadu debeda ka soo iibsan jireen gaadiid la soo isticmaalay hadaladisiina waxa ka mid ahaa
“Shirkadan waa mid Caalamiya waxanay xafiisyo badan ku leedahay Africa, Somaliland-na waxa ay ka mid noqonaysa wadamada ay ka shaqayso shirkadani halkan waxa ay ganacsadu ka helayaan gaadiidkii oo toos uga soo degaaya Wakaaladii Samaysay Baaburta ay samayso shirkadsani waxa kamida Baaburta Xamuulka sida iska Rogooyika, Booyadaha, Wiishashka,Dhaynayaasha, iyo Baaburta waawayn nooc kasta, waxa kale oo aan intaas ku dari laha hore waxa u jiray Baabuur xamuula oo ganacsatadu la soo iibsatay Sino Truck, oo qarood ay wayeen Fufurkoodii marka waxan ugu busharaynaya in halkan ay ka helidoonan nooc kasta oo alaabta SINO TRUCK, iyada oo shaqaaleheena halkaas lagayn doono oo la inoogu soo tabobari doono” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Toyota S3, ee Somaliland Cismaan Axmed Cismaan.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://youtu.be/uVmZTZKmvvc?t=96
Berberatoday.com
COMMENTS
|