Shirkada Facebook Oo Shaacisay Inay Ku Dadaaleyso Sidii Loo Joojin Lahaa Wararka Been Abuurka Ah
November 20, 2016 - Written by Berbera Today
News York(Berberatoday.com)-Agaasimaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa shaaciyay tillaabooyin looga hor tagaayo wararka been abuurka ah ee bartaa dadka qaarkii ay ku baahiyaan.
Mark Zuckerberg ayaa sidaa sheegay shalay Sabtidii ayadoo dhawaan Barack Obama sheegay in wararka aan saxneyn ee lagu baahsho baraha bulshada ay dhibaato ku yihiin hayadaha dimoqraadiga ah.