berberatoday.com
Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Cagajugleynta Musharaxiinta Lagu Haayo
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqay xubnaha Madasha Hogaanka Qaran inay awooddooda iyo saameyntooda adeegsadaan si ay uga hortagaan falalka ku takrifalka iyo caddaalad darrada ka dhaca hanaanka doorashada. Falalkan waxaa ka mid ah kadeedidda iyo cagajugleynta loo geysto musharaxiinta, ku feegaaridda liisaska ergada iyo musharaxiinta, iyo adeegsiga ciidamada amniga iyo hantida kale ee dowladda si musharax baarlamaan loogu roonaado loogana hormariyo mid kale.i

Saaxiibada beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan guddiyada doorashada ee gaarka ah ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43 kursi ee 54ka kursi ee Aqalka Sare ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada 112 kursi ee 275ka kursi ee Golaha Shacabka.

Waxaa muhim ah in baarlamaanka cusub iyo dowladda federaalka ee soo socota loo soo doorto si waafaqsan xeerarka ay dejisay Madasha Hogaanka Qaran ayna hirgeliyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GDGHDD). Sharciyadda iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida loo arko hanaanka ayaa muhim u ah in la aqbali karo lagu kalsoonaan karo baarlamaanka iyo dowladda federaalka ee soo socota.

Beesha caalamku waxay hoosta ka xariiqaysaa muhimadda ay leedahay shaqada Hanaanka Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya cabashooyin badan ee ka soo gaara musharaxiinta diiwaangashan si ay qof qof ugu qiimeeyaan in la rumeysan karo cabashooyinkooda. Waxay sidoo kale aqoonsantahay kaalinta mugga leh ee ay odey dhaqameedyo badan ka cayaarayaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya beesha dhexdeeda.

Waxaa arrin lagu farxo ah in banaanka lasoo dhigay qaladaad farabadan lana saxay. Si kastaba ha ahaatee, saaxiibadu waxay aad uga welwelsanyihiin tiro dhacdooyin ah oo heerkoodu sarreeyo oo la iska dhega-tiray xeerarka iyo nidaamyada. Waxaa kamid ah musuq-maasuq, cod-iibsasho, kadeed iyo cagajuglayn loo geysto musharaxiinta, ergada doorasho, odayaal dhaqameedyada iyo dad kale.

Saaxiibada caalamku waxay sii wadaan inay walaacooda la wadaagaan madaxda ku habboon oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamul-goboleedyada. Waxay si buuxda u taageerayaan go’aanada ay guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku hakiyeen codaynta kursi gaar ah ama reebid musharax guulaystay iyadoo loo cuskanayo caddayn buuxda oo xaqiijinaysa cabasho wax isdabamarin halis ah oo la xiriirta geedi-socodka doorashada.

Waxay ku boorrinayaan GFHDD iyo GDGHDD inay u hogaansanaadaan waajibaadyadooda shaqo iyagoo u danaynaya daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka. GDGHDD waa inay waqtiga loogu talagalay usoo gudbiyaan GFHDD liisaska ergada iyo musharaxiinta, qoondada kuraasta u gaarka ah musharaxiinta haweenka ah iyo natiijada codbixinta hordhaca ah. GFHDD waa inuu daabacaa liisaska musharaxiinta baarlamaanka uuna u faafiyaa si ballaaran.

“Geedi-socodkan doorasho wuxuu u socdaa si aad uga wanaagsan sidi dad badan ay saadaalinayeen saddex ama lix bilood kahor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin ku-takrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noqon lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo warbixinnada lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan ku-xadgudubka xeerarka iyo nidaamyada geedi-socodkan, iyo in tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda geedi-socodka”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews