berberatoday.com
Buuhoodle”Ciidammada Qaranka Oo Dusha Kala Socda Amniga Dadka Iyo Xoolaha Abaareysan Ee Hayaanka Ku Jira
November 21, 2016 - Written by Berbera Today

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Ciidammada Qaranka Somaliland ee Fadhiisimada ku leh Duleedka Degmada Buuhoodle, ayaa dusha ka eegaya isla-markaana Tallaabo-tallaabo ula socda Dadka reer Guuraaga ah ee ka qaxaya Abaarta ka jirta Deegaannada bariga Somaliland.

Ciidammada Qaranka, ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan Dadka iyo Xoolaha Abaareysan ee ku jira Hayaanka, ammaankoodana sugayaan inta marayaan deegaannada ay Ciidan ahaan ku sugan yihiin, maaddaama oo Cid dano gaar ah lihi dhibaateyn karto.

Ciidammada ayaa sheegay inay Dadka Abaartu hayso ka caawiyaan wixii ay uga baahdaan, iyagoo sidoo kalena Shacabka ugu baaqay in laga qayb-qaato gurmadka loo fidinayo Dadkeena Abaareysan ee Gobollada bariga Somaliland.

Saraakiisha Ciidammada Qaranka ee fadhigoodu yahay duleedka Magaalada Buuhoodle, oo Shalay Saxaafadda kula hadlay fadhiisinkooda, ayaa sheegay inay heegan ugu jiraan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen Caawinta Dadka iyo Xoolaha Abaareysan ee Hayaanka ku jira isla-markaana Hab-qankoodu daadsan yahay, “Ciidankani waa Ciidankii Qaranka Somaliland, waa Ciidan ka shaqeeya Amniga” ayuu yidhi Sarkaal ka mid ah Ciidammada Qaranka oo Warbaahinta la hadlay, waxaanu intaa ku daray inay Ciidan ahaan Heegan ugu jiraan sidii amniga Dadka Abaareysan iyo Guud ahaan Dalkaba.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews